4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Dowladda Jabuuti oo billowday Dhismaha Waddo Cusub oo isku xiri doonta Jabuuti iyo Deegaanno ka mid ah Soomaaliya

Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa bilowday dhismaha waddo cusub oo isku xiri doonta wadankaasi iyo Soomaaliya si kor loogu qaado xiriirka labada dhinac gaar ahaan ganacsiga iyo isgaarsiinta sida  laga soo xigtay madax sare oo ka tirsan Jabuuti.

“Waddadan waxey ka bilaabanaysaa caasimadda Jabuuti,waxaana ay ku egtahay magaalada xuduudka ah ee lowya-cadde,” ayuu yiri ‘ wasiirka dhismaha guud iyo gaadiidka ee Jabuuti   Muuse Axmed Xassan oo  la hadlayay warbaahinta ,isagoo xusay in arimo badan ay fududaan doonaan marka la dhameeyo howsha hadda socota.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey u sii qorsheeyay dhismaha wadadan si lo helo xiriir joogta ah oo dhex mara wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti ,maadaama ay is–dhimeen khatarihii amni ee ka jiray qaybo kamid ah dalka Somaliya.

Waxey wadadan  si toos ah u soo galaysa xadka Jabuuti uu la wadaago maamulka Somaliland oo horey u sheegay in ay ka go’een Soomaliya inteeda kale ,iyadoo aan si cad loo hubin kaalinta ay ku yeelan karto qaybaha kale ee Soomaaliya.

‘Hadda waxan ku suganahay Low-yacadde shaqadana si wanaagsan ayey u socotaa ,waxaana rajaynayaa in waqti aan fogayn la soo gaba-gabeeyo dhismaheeda “ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo ammaan ballaaran u jeediyay dhinacyada howshan iska kaashanaya.

Baabuurta xamuulka ah ee isaga kala gooshi jiray Jabuuti iyo Somaliland ayey horey ugu adkeyd in ay  si sahlan u isticmaalaan wadada hadda la dhisayo,iyaga oo la kulmi jiray dhibaatooyin ay kamid yihin in ay rogmadaan.

“Illaa iyo hadda waxaa la dhisay 18-kiiloomitir,waana laami toos ah,” ayuu xusay Wasiir Muuse ,isagoo Somaliland ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan horumarka labada bulsho oo markii ugu horeysay mushruucaan  ka wada faa’idaysan doona.

Ugu danbayntii wasiirka ma uusan carrabaabin cidda bixinaysa qarashka ku baxaya dhismaha wadadan oo noqoanaysa tii ugu horeysay oo nooceeda ah, taasoo  laga hirgalinayo xuduudaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]