Isniin, December 16, 2013 (HOL) - Wararka ka imaanaya waddanka koonfurta Sudan ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaalada Juba ee xarunta u ah dalkaas oo labo sano ka hor ka xaroobay dalka Sudan.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Milatariga oo labo qaybood u kala jabay sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka.
Waxaana dagaalku uu bilowday saqdii dhexe ee xalay iyadoo ilaa iyo haatan la maqlayo dhawaaqa rasaasta oo ka yeeraysa xero ay daganaayeen Milatarigu uu ku taal magaalada Jubba.
Madaxweynaha dalka koonfurta Sudan ayaa sannadkaan gudihiisii shaqada ka eryay dhammaan xubnihii ugu awooda badnaa ururkii u soo halgamay xorriyada koonfurta Sudan ee SPLM, kuwaasoo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii Baaqaan Amuum iyo xubnihii golaha wasiirrada, taasoo hoos u dhigtay shacbiyada madaxweynaha haatan talada haya.
Safaaradaha reer galbeedka ee ku yaalla magaalada Juba ayaa soo saaray digniino ay u jeedinayaan muwaadiniintooda iyagoo walaac ka muujiyay xaalada wadankaas.
Wararka ay Hiiraan Online ka helayso qaar kamid ah Soomaalida waddankaas ku nool oo u badan ganacsato ayaa sheegaya in ay jirto fowdo ku baahaysa caasimada Jubba iyadoo Soomaalidana ay cabsi soo food saartay.
Ilaa iyo hada ma cada sida ay wax u socdaan iyadoo khasaarahana aan la ogaan karin.
Xaalada waxyaabaha ku soo kordha dagaalkaas wararkeena dambe ayaad ku akhrisan doontaan.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Dagaal Culus oo Haatan ka Soconaya Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba oo ay Soomaali badan ku nool yihiin
More News
- Qarax khasaare geystey oo goor dhow Boosaaso ka dhacay
- CHAMPIONS LEAGUE: Kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal oo isku beegmay iyo Man City iyo Barcelona ay isku aaday (SAWIRRO)
- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb-qaadanaya sidii xal loogu heli lahaa Dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan
- Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo tababar ugu soo xiray dalka Uganda ciidamo ka tirsan kuwa X.D.S
- Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Magaalada Kismaayo Kula Kulmay Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba [SAWIRRO]
- Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan oo sheegay inuu Fashiliyay Afgambi Milatari oo la doonayay in Xukunka looga tuuro
- Taliye u dhashay dalka Burundi oo Maanta si la wareegay taliska Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM (SAWIRRO)
- Dowladda Jabuuti oo billowday Dhismaha Waddo Cusub oo isku xiri doonta Jabuuti iyo Deegaanno ka mid ah Soomaaliya
- Xukuumadda Somaliland oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamtay Warbixin uu Golaha Amaanka Siiyay Danjire Nichosla Kay
- WARBIXIN: Xarunta Wax-barashada Agoonta ee Banaadir oo Xannaaneysa 980 Carruur Soomaaliyeed ah (DAAWO SAWIRRADA)
- AMISOM oo dib u dajin u sameysay Qoysaskii ku barakacay Fatahaadihii iyo Colaadihii ka dhacay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Xaaladda gobolka Shabeellada Hoose oo dagan iyo ciidammo si Nabadgalyo ah kula Wareegay Deegaanka Lambar Konton
- Booliiska Kenya oo soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo lala xiriiriyay Qaaxii habeen hore ka dhacay Magaalada Nairobi