4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Urur goboleedka IGAD oo danjire Maxamed Cabdi Afey u magacaabay inuu noqdo Ergaygooda gaarka ah ee Arrimaha Somalia


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Qaaradda Afrika ku yaalla ee ee IGAD ayaa maanta danjire  Maxamed Cabdi Afeey u magacaabay ergaydooda gaarka ah ee Soomaaliya.

Afeey ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, isagoo sidoo kale sannadkii 2003 ahaa danjirihii dowladda Kenya ee dalka Soomaaliya, waana mas’uul muddo kusoo jiray siyaasadda dalka Kenya.

Sidoo kale, ergaygan cusub ee IGAD ayaa wuxuu qayb ka ahaa xubnihii ka qaybqaatay hannaankii siyaasadeed ee Sommaaliya, isagoo hoggaamiye u ahaa wafdi ka socday Kenya oo Soomaaliya yimid xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Kenya ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

“Waan soo dhaweynaynaa magacaabidda danjire Afeey oo ah ergyga gaarka ah ee ururka IGAD uga wakiil  noqon doona Soomaaliya,“ ayuu xoghayaha guud ee IGAD, Maxmuub Macallin.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in magacaabidda danjire Afeey ay wax badan soo kordhin doonto, maadaama uu door muhiim ku leeyahay howlaha dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana rajeynaynaa inuu howlo wanaagsan uu kusoo kordhin doono Soomaaliya.

Ururka IGAD ayaa galaan-gal siyaasadeed ku leeyahay arrimaha Somalia iyadoo ururkan uu door muhiim ah ku lahaa heshiiskii ay dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku gaareen magaalada Addis Ababa bishii Ogoosto ee sannadkan.

Danjire Afeey ayaa noqonaya ergaygii ugu horreeyay oo Kenyan ah oo uu ururka IGAD u soo magacaabo inuu wakiil joogto ah uga noqdo Soomaaliya, iyadoo dalka Kenya ay ciidammo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya