4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Warbixin ku saabsan Xarunta Waxbarashada Agoonta ee Banaadir iyo habka ay wax ku barto Caruurta Soomaaliyeed

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Hiiraan Online ayaa waxaa maanta u suuro-gashay in ay booqato xarunta waxbarashada agoonta ee Banaadir oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho si wax badan looga ogaado howlaha ay xaruntan u qabato caruurta Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta xaruntan ayaa u sheegay HOL in xaruntan ay markii ugu horeysay ka fureen degmada Shingaani ee gobolka Banaadir ayna ku billaabeen carruur tiro yar, balse markii ay tirade carruurtu korortay ay xarunta u rareen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

“Tirada carruurta aan ku billownay xaruntan waxay ahaayeen kuwo yar, balse muddo yar kaddib waxay gaartay tiradooda 400 oo cunug oo isugu jira gabaho iyo wiilal, tasoo keentay inaan xarunta u raro degmada Boondheere oo ay hadda ku howlgasho hadda,” ayuu HOL u sheegay madaxa xaruntan.

Sidoo kale, 0000000000000 ayaa sheegay in hadda ay xarunta ay xannaano iyo waxbarasho ka helaan carruur tiradoodu gaaraysa 980 oo da’doodu ka yar tahay 15-sano. Isagoo xusay inay ku boorrinayaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool inay kafaalo-qaadaan waxbarashada iyo xannaanada carruurtan.  

Mas’uulku wuxuu hadalkiisa ku daray maadaama ay waxbarashadu asaas u tahay nolosha bani’aadamka waxaan dajinnay manhaj ay caruurtan wax ku bartaan, isagoo intaa raaciyay in ilmaha aanay wax lacag ah ka qaadin oo nolosha iyo waxbarashaduba yihiin kuwo lacag la’aan ah.

000000000000000000 wuxuu hadalkiisa ku daray inay dajiyeen afar qodob oo ay ugu talo-galeen inay howsha xaruntu ku socoto, kuwaasoo kala ah:

1. Inaan dadka Soomaaliyeed ee dibadaba ku nool aan talo saaranay inay arday kastaba damaanad-qaadaan waxbarashadiisa iyo noloshiisa.

2. Inaan helno dhakhtar ilaaliya caafimaadka caruurta si cudur aanu ugu dhalan, waxaana ku guuleysannay inaan helno dhakhtar caruurta ku sameeya baaris, cunuggii jirro laga helana isla goobta ayaa lagu daweeyaa iyadoo dawooyinka nalagu caawiyo.

3.

4.  

Dhanka kale, madaxa xaruntan wuxuu sheegay in ganacsade Soomaaliyeed uu dhul 40-boos ah uu ka siiyay waddada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho. Markaas kaddibna uu injineer Soomaaliyeed ah wax ku bartay dalka Mareykanka uu ballanqaaday inuu aqoontiisa ku caawin doono sidii xaruntaas looga dhisi lahaa hoy ay carruutu wax ku bartaan iyo guryo lagu xannaaneeyo.

Hay’adaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa iyaguna ballanqaaday inay maalin walba caruurta ku jira xaruntan siiyaan qado, taasoo maamulku uu sheegay inay wax weyn ka taranayso waxbarashada iyo xannaanada ilmaha ku jira xaruntaas.

Madaxa xaruntan 000000000000000 oo aqoontiisu ay gaarsiisan tahay heerka PhD, ayaa sheegay inuu  diiday inuu shaqooyin kale qabto, isagoo go’aansaday inuu gacan ka geysto waxbarashada iyo xannaanada caruurtan Soomaaliyeed.

Haddaba Hiiraan Online (HOL) ayaa waxay go’aansatay inay warbixinta xarunta Banaadir ku saabsan ay u gudbiso dhammaan akhristayaasheeda sidii ay uga geysan lahaayeen gacan kafaalo-qaadidda carruurta wax ku barta laguna xannaaneeyo xaruntan. Iyadoo madaxa HOL, Axmed Xaaji Cilmi Guure uu ka sheegay goobta in HOL ay gacan ka geysanayso kafaalo-qaadidda ilmahan agoonta ah.

Ciddii doonaysa inay carruurtaas kafaalo-qaaddo noloshooda iyo waxbarashadooda waxay kala xiriiri karaan maamulka xarunta waxbarashada caruurta Banaadir Taleefoon Lambarka: 0000000000000.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya