4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Murashax Shire Xaaji Faarax oo gellinkii dambe ee Maanta gaarey Garoowe kaddib markii gellinkii hore is-hortaag lagu sameeyay

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Musharrax Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah xubnaha murashaxiinta ah ee u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa saacado kahor gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii gelinkii hore ee maanta loo diidey in uu magaalada soo galo.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa musharraxa ku celiyey duleedka waqooyi ee xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, kaddib markii uu ka biyo diidey inuu reebo ilaaladiisa iyo labo gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay wateen.

Musharraxa ayaa loo sheegay in loo oggolyahay in magaalada Garoowe uu la galo hal gaari iyo ilaalo kooban, haseyeeshee Shire Xaaji oo diidey amarka ciidamada ayaa dib ugu soo laabtay degmada Dangorayo, halkaas  oo markii dambe uu ugu yimid taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ahna sarkaalka ugu sarreeya guddiga loo xilsaaray amniga caasimadda xilliga doorashada Jen. Siciid Dheere.

Wada-hadal muddo saacado ah qaatey kaddib waxaa markii dambe Shire Xaaji Faarax loo oggolaaday in uu magaalada Garoowe soo galo, inkasta oo markii uu magaalada gudaha usoo galay laga reebay hal gaari.

Jen. Siciid dheere ayaa shir-jaraa'id oo maalmo kahor uu magaalada Garoowe ku qabtay, wuxuu ku sheegay in musharraxiinta aan loo oggolaan doonin in ay tikniko iyo ilaalo badan magaalada lasoo galaan, maadaama ay dowladdu ammaankooda si buuxda u damaanad qaadeyso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya