4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Guddiga gurmadka Jaamacada Muqdisho oo deeq gaarsiiyay dadweynihii ay saameeyeen fatahaadihii Shabeellada Dhexe (SAWIRRO)


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Guddiga gurmadka deg-degga ah ee  Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyey deeq isugu jrta barsii, sokor, saliid, timid iyo dhar dadkii ay samaaeynta ku yeesheen fatahaadda webiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellada dhexe.

Deeqdan la gaarsiiyay barakacayaashan ayaa waxaa ka faa’iideystay 300 oo qoys , sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka ee Jaamacadda Muqdisho ahna hormuudka kulliyadda waxbarashada, C/llaahi Abuukar Sheekh Xuseen.

“Waxaan xoogga saarnay inaan dadka aad u jilicsan sida cuyaamiinta, waayeelka, haweenka iyo csaruurta aan siinno gargaarkan,” ayuu C/llaahi ku sheegay warbixin uu siiyay warbaahinta qaybaheeda kala duwan. Isagoo ku daray hadalkiisa:

“Deeqdan waxay gaartay dadkii loogu talo-galay, waxaana wajiyadooda laga dheehan karay farxad ay ku faraxsan yihiin deeqdan la gaarsiiyay xilligii ay u baahnaayeen, waxayna qaybinteedu kusoo gaba-gabowday sidii loogu talo-galay.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gargaarkan ay iska kaashadeen Jaamacadda Muqdisho, maamulkeeda, macallimiinteeda, ardaydeeda hadda dhigta, kuwii qalin-jabiyay, shaqaalaheeda iyo saaxiibbadeed, iyagoo go’aansaday inay la garab-istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed wixii ay awoodaan.

“Jaamacaddu waxay u taagan tahay sidii ay u caawin lahayd dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhibaatooyinka dabiiciga ah ay lasoo darsaan, mana ahan gurmadkii ugu horreeyay oo ay sameyso, balse dhowr jeer oo hore ayay gurmadyo noocan oo kale ah sameysay,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka deg-degga ah ee jaamacadda Muqdisho.

Ugu dambeyn, C/llaahi Abuukar Sheekh wuxuu sheegay in sannadkii 2006 ay gacan ka geysteen sidii ay u caawin lahaayeen dadkii saameynta xooggan ay ku yeesheen fatahaadihii gobollo badan oo dalka ah ka dhacay, iyo sidoo kale sannadkii 2011 oo abaaro xooggan ay dhaceen oo ay jaamacaddu intii ay awooddo ay gaarsiisay gurmad deg-deg ah oo isugu jiray cunno iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee ay u baahan dadkii soo barakacay.

SMaxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya