4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Iskahorimaad Xalay ku dhacay degmada Yaaqshiid & Qarax lala beegsaday Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerar iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho, iyadoo dagaal culus uu xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan jidka warshadaha.

Dagaalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa yimid kadib markii kooxo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin meel ku dhow isbitaalka Carafaat ee Muqdisho, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus.

“Xalay waxaan kusoo toosnay dagaal culus oo ka dhacaya degmada, hub culus iyo mid fudud ayay dhinacyadi isdhaafsanayeen, waxaana saakay la arkay maydadka saddex qof,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu xalay dagaalku ka dhacay.

Inkastoo aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin haddana xaaladda ayaa ah saakay mid daggan, waxaana ciidamada dowladdu ay baaritaanno kawadaan xaafadaha ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale, qarax xooggan ayaa waxaa xalay lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, iyadoo la sheegay in qaraxan ay ku dhinteen in ka badan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Weerarradan kala duwan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli maalmo ka hor uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya ra’iisul wasaare cusub oo lagu wado inuu dhawaan xilka kala wareego ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday degmooyinka gobolka Banaadir ka dhacayay qaraxyo, weerarro iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag taabacsan Al-shabaab.

Xukuumaddii hore ee Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer sheegtay inay ka hortagtay weerarro ay maleegayeen xoogag taabacsan Al-shabaab oo dhowr saldhig ku lahaa Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya