Dibad-bax lagu Taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay Maanta Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)



Axad, December 15, 2013(HOL) :- Boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah ayaa saaka waxa ay guryahooda uga soo kalaheen si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan ra’isul wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Max’ed.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, Haween, Dhalinyaro, Odoyaal  iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay isugu yimaadeen xarunta Degmada Kismaayo, iyaga oo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan masuulka cusub ee loo magacaabay xilka ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay dibadbixii maanta ayaa dhamaantoodba si isku mid ah u taageeray ra'isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay in uu yahay nin kasoo bixi kara xilka loo magacaabay.

Goobta ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay haween, odoyaal, dhalinyaro iyo madax ka tirsan maamulka, waxayna dhamaantood amaanee ra'isul wasaare C/weli Sheekh Axmed Max'ed.

Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay Max’ed Nuur Gacmadheere oo kamid ah masuuliyiinta degmada Kismaayo islamarkaana ku hadlayay magaca maamulka Jubba, waxa sheegay in maamulka Jubba uu soo dhaweynayo ra'isul wasaaraha cusub ee dalka.

"Waan soo dhaweyneynaa ra'isul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana rajeynaynaa in uu wax badan qaban doono, Jubbaland-na waxaan rajeyneynaa in uu wax weyn u qaban doono," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud uu u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa waxa isa soo tarayay taageerada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan masuulkan cusub, iyagoona ku tilmaamay in uu yahay nin khibrad iyo waayo aragnimo leh islamarkaana kasoo bixi kara howsha loo igmaday.







Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.






Axad, December 15, 2013 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Qaaradda Afrika ku yaalla ee ee IGAD ayaa maanta danjire Maxamed Cabdi Afeey u magacaabay ergaydooda gaarka ah ee Soomaaliya.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Koox bastoolado ku hubeysneyd ayaa caawa fiidkii nin wadaad ahaa ku dhex toogtay masjid ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Wardhiigley, xilli uu dhageysanayay cashar tafsiirka Qur’aanka kariim ah oo laga akhrinaay masaajidkaas.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Musharrax Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah xubnaha murashaxiinta ah ee u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa saacado kahor gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii gelinkii hore ee maanta loo diidey in uu magaalada soo galo.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed la horkeeno baarlamaanka 18-ka bishan December oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Dagaallo khasaare nafeed oo fara badan geystay ayaa maalintii labaad ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo dagaalladan ay si xowli ah maanta uga socdaan deegaanno u dhexeeya degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Hiiraan Online ayaa waxaa maanta u suuro-gashay in ay booqato xarunta waxbarashada agoonta ee Banaadir oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho si wax badan looga ogaado howlaha ay xaruntan u qabato caruurta Soomaaliyeed.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo muddo toddobaad laga joogo ku geeriyooday geeriyooday deegaan magaalada Johannesburg ayaa maanta lagu aasay deegaankii uu ku dhacay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa lagu qababtay in ka badan 600 oo ruux, kuwaasoo u badanaa ardayda, ganacsatada iyo qaar ka mid ah macallimiinta iskuullada magaalada, iyadoo maanta aan la aadin iskuullada, waayo waxaa la xirxiray ardaydii iyo macallimiin fara badan.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyey deeq isugu jrta barsii, sokor, saliid, timid iyo dhar dadkii ay samaaeynta ku yeesheen fatahaadda webiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellada dhexe.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerar iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho, iyadoo dagaal culus uu xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan jidka warshadaha.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan shalay ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho ayna isugu yimaadeen ganacsatada, jaamacadaha, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah, dhibbanayaal uu dabkii u danbeeyay ee KM-4 cayrteeyay iyo waxgarad kala duwan ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed oo ku waayay hanti gaaraysa 2.3-Milyan doollar kaddib markii qiimeyn dhab ah lagu sameeyay.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Bandhig farshaxaneed Soomaaliyeed ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo bandhigan uu qayb ka yahay barnaamij cusub oo loogu magac-daray (Quraca Nabada), kaasoo suura-gelinaya in dhaqanka farshaxanka iyo fanka loo adeegsado sidii nabadda Soomaaliya loo xoojin lahaa, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay colaaduhu kala fogeeyeen.

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu yahay nin fulin kara howsha loo idmaday, isagoo xusay in uu ku kalsoon yahay inuu gacan ka geysan karo dhexdhexaadinta Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Somali News

12/15/2013 1:47 PM EST
The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) today announced that Ambassador Mohamed Abdi Affey as its Special Envoy to Somalia.

12/15/2013 6:54 AM EST
North Korean leader Kim Jong Un's influential aunt Kim Kyong Hui remains a part of the regime's inner circle, even after the execution of her husband last week, the second most powerful man in the isolated nation.

12/15/2013 6:50 AM EST
Two more people have succumbed to injuries following the blast that occured yesterday at Pangani. Thirty are still recuperating in hospital.

12/15/2013 6:46 AM EST
Nelson Mandela, South Africa’s first black president, was laid to rest Sunday after a state funeral filled with tearful eulogies and strident vows to pursue his ideals of equality and justice.

12/15/2013 6:40 AM EST
Zanzibar and its palm-fringed beaches appear idyllic, but rising religious tensions marked by brutal killings and acid attacks are threatening the tourist industry upon which the east African archipelago depends.

12/15/2013 6:38 AM EST
More than two and a half years after US commandos shot dead Al-Qaeda figurehead Osama bin Laden, the global extremist network is more dangerous than ever, American experts and counterterrorism officials warned this week.

12/15/2013 6:36 AM EST
A British man was found with his head cut off in his Kenyan apartment on Friday.

12/15/2013 6:30 AM EST
Chairman of QRC, Dr Mohammed Ghanim Al Maadeed, (third right) receiving the AZF contribution from Aspire Zone’s Acting President, Khaled Abdulla Al Sulaiteen, at Aspire Zone headquarters.

12/15/2013 6:27 AM EST
In the South-West of Yemen, thousands of refugees from the Horn of Africa have spent decades, married and had children, without ever leaving the camp that has become home. Reporter Amanda Fisher and photographer Leslie Pableo visit the people in this holding cell — most of whom have no way of leaving.

12/15/2013 5:41 AM EST
NAIROBI (Reuters) - The death toll in a grenade attack on a minibus near a Somali-dominated area in Kenya's capital at the weekend has risen to six after two more of the wounded died, police said on Sunday.

12/15/2013 3:28 AM EST
NAIROBI (Reuters) – A suspected grenade attack on a minibus in Kenya’s capital on Saturday killed at least four people near a Somali-dominated area of the city, police said, an incident that mirrors explosions last year that were blamed on Somali militants.

12/15/2013 2:03 AM EST
QUNU, South Africa – Nelson Mandela’s body arrived in his childhood village Saturday, greeted by thousands of mourners who lined the streets, singing and chanting his name. On Sunday morning, hundreds of relatives, close friends and dignitaries will gather in this tranquil, hillside hamlet in the Eastern Cape Province for a state funeral and burial.
Click here