4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu hor-imaan doono Baarlamaanka 18-ka Bishan (SAWIRRO)


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli  Sheekh Axmed la horkeeno baarlamaanka 18-ka bishan December oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Fadhigan guddiga ayaa ka dhacay xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari ) kaasoo ay joogeen dhamaan xubnaha guddiga joogtada ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka oo socday lix saacadood oo xiriir ah ayaa looga hadlay meel-marinta qorshe how-leedka baarlamaanka Soomaaliya sannadka soo socda ee 2014-ta, anxisinta miisiiniyadda dalka ee 2014-ta, dhameystirka hindisayaasha sharci ee golaha horyaalla iyo qodobbo kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo markii kulanka lasoo gabgabeeya si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gudigga joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee toddobaadkan oo ay taariikhdu tahay 18-ka bishan December.

“Madaxweynaha waxaan ka codsannay in ra’iisul wasaaraha cusub uu hor-keeno baarlamaanka, waxaana madaxweynaha uga mahadcelinaynaa sida uu uga soo jawaabay dalabkeennaas,” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in arrintan ay la xiriirto dadajinta howlaha horyaalla baarlamaanka Somalia, maadaama uu kalfdhigan xirmayo dhammaadka bishan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo sii hadlay ayaa sheegay inuu wal-wal galay shacabka Soomaaliyeed markii xildhibaannadu ay kalsoonida kala laabteen xukuumaddii hore, waxaana ka mahadcelinyanaa shacabka sidii ay kalsoonida noogu muujiyeen markii aan u sheegnay inaana waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale fariin u diray xildhibaannada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo ka dalbaday inay yimaadaan kulammada baarlamaanka maadaama laga doonayo inay gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horreyso ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee lasoo magacaabay dhawaan, waxaana guddoomiyuhu tilmaamay inaan la aqbali doonin in kulammada baarlamaanka laga maqnaado, taasina ay tahay mid xilkasnimo darro ah.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in guddiga joogtada kulankooda ay uga hadleen sida uu baarlamaanka u dhameystiri lahaa hindise sharciyeedyada horyaalla; taasina uu guddiga isku raacay in sidii ay u soo kala horreeyeen ay u dhameystiri doonaan.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la magacaabay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay, kaddib markii ay xildhibaannada baarlamaanku ay kalsoonida u diideen ra’iisul wasaarihii ka horreeyay Cabdi Faarax Shirdoon labadii bishan December.

Haddii ra’iisul wasaaraha cusub uu helo codka kalsoonida baarlamaanka wuxuu xilka kala wareegi doonaa ra’iisul wasaarihii hore, balse haddii uu waayo waxay noqonaysaa in madaxweynuhu uu mar kale soo magacaabo ra’iisul wasaare kale.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya