4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
JEN. CADDE MUUSE: “Ra’iisul Wasaaraha cusub waa nin Awood iyo aqoon u leh fulinta howlaha Xukuumadda, waxaana qabaa…”


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu yahay nin fulin kara howsha loo idmaday, isagoo xusay in uu ku kalsoon yahay inuu gacan ka geysan karo dhexdhexaadinta Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Jen. Cadde Muuse ayaa sheegay in C/weli Sheekh Axmed ay is-yaqaanniin uu ku yaqaanno howlkarnimo iyo daacadnimo, wuxuuna Alle uga baryay inuu howsha dhabarka loo saaray.

“Ra’iisul wasaaraha cusub waa nin awoodeeda iyo aqoonteeda leh fulinta howlaha xukuumadda, waxaana qabaa inu yahay nin dhameyn kara khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladd dhexe ee Soomaaliya, “ ayuu yiri Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu sheegay in C/kariin Sh. Axmed uu yahay nin yaqaanna deegaannada Puntlan iyo kuwa kale ee dalka Soomaaliya, uuna la socdo muranka siyaasadeed ee horay u soo dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

“Hadda Puntland doorasho ayaa ka socota, haddii isbedel dhaco iyo haddii uu kusoo laabto xilka madaxweynaha hadda xilka haya ee Faroole, waxay mar walba Puntland u baahan tahay in federaaliisim wax lagu qaybsado, waayo innagu waxaan ictiraafsannahay midnimada Soomaaliya,” ayuu ku daray Jen. Cadde hadalkiisa.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlay khilaafka soo dhexgalay murashaxiinta u tartamaya xilka madaxnimo ee Puntland iyo madaxweyne Faroole, isagoo xusay in doorashadu ay dhacayso, loogana baahan yahay murashaxiinta iyo Faroole inay u hoggaansamaan doonista shacabka Puntland.

“Warar badan baa la sheegayaa, balse anigu leeyahay murashaxiintu iyo madaxweynaha Puntland waa inay u hoggaansamaan doonista dadka Puntland. Madaxweynahana waa inuusan u dhaqmin sidii kaligii-taliye oo uu maqlaa dhawaaqa shacabka, waayo ma soconayso anigaa wax walba iri,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Cadde Muuse.

Hadalka Jen. Cadde Muuse ee ku saabsan xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Puntland ay bishii Ogoosto ee sannadkan ku dhawaaqday inay xiriirkii wada-shaqeyn u jartay dowaldda dhexe ee Soomaaliya, taasoo aan illaa hadda wax xal ah loo helin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya