4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Magaalada Baydhabo oo Dad badan laga Qab-qabtay iyo Ergooyin ka socda Gobolka Gedo oo Gaaray iyo kuwo kale oo la sugayo


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa lagu qababtay in ka badan 600 oo ruux, kuwaasoo u badanaa ardayda, ganacsatada iyo qaar ka mid ah macallimiinta iskuullada magaalada, iyadoo maanta aan la aadin iskuullada, waayo waxaa la xirxiray ardaydii iyo macallimiin fara badan.

Ardayda, macallimiinta iyo ganacsatada ayaa lagu qabqabtay howlgallo ay ciidamada booliska Gobalka Bay, iyadoo taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan uu sheegay sheegey in magaalada ay ka buuxaan xubno Al-shabaab ka tirsan, sidaas awgeedna ay sameeyeen howgalkan si aan ku sifeynno magaalada.

Nabaddoon Cali Aadan Tuusow oo ah nabaddoon iyo waaliddiin wiilashooda la xirxiray ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid la xiriira xubno Al-shabaab ah oo la qab-qabanayo; balse ay tahay mid dhaqaale lagu doonayo, waayo magaalada kama jiro wax maamul ah.

Dhallinyarada la xirxiray ayaa waxaa ku jira kuwo da’oodu tahay 15-sano jir, waxaana dadka degmada Baydhabo ay si aad ah uga hadlayaan howlgalkan oo baajiyay waxbarashadii degmada Baydhabo oo dhan.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo oo uu ka socday shir maamul goboleed loogu sameynayo gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa shalay gaaray maanta ergooyin ka socda gobollada Gedo oo uu hoggaaminayay Maxamed Sayid Aadan, iyadoo maantana la sugayo ergooyin kale ka socda gobalada Jubbooyinka.

Sidoo kale, waxaa laga magic-hayaa magaalada Baydhabo inuu soo gaaro wiil uu dhalay madaxweynihii dowladdii milateriga ahayd ee Somalia, Maslax Maxamed Siyaad Barre, kaasoo lagu wado inuu ka qaybgal shirka Baydhabo ka socda.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxaa hoteelladeeda buux-dhaafiyay ergooyinka u imaanaya ka qaybgalka shirka maamul u sameynta gobollada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, kaasoo maraya heer gabo-gabo ah.

Hiiraan Online, Baydhabo