3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo lagu aasay Maanta Tuuladii uu ku dhashay ee Qunu (SAWIRRO)


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo muddo toddobaad laga joogo ku geeriyooday geeriyooday deegaan magaalada Johannesburg ayaa maanta lagu aasay deegaankii uu ku dhacay ee QUNU oo ka tirsan gobolka Eastern Cape.

Maydka Mandela ayaa waxaa galbiyay ciidammo gaar ah oo loogu talogalay iyadoo markii loo qaadayay godka lagu aasayo loo riday madaafiic lagu maamuusayo, waxaana inta aan la aasin goobta ka hadlay madax Afrikaan ah iyo siyaasiyiin kale oo ay isku dhaaweyeen.

“Nelson Mandela waxaad na bartay inaan xallinno khilaafadyada oo aan dalkeenna ka dhigno mid horumarsan... waxaad na bartay inaan ka samarno carada iyo aar-gudashada... waxaad na siisay rajo iyadoo aysan rajo jirin,” eryadan waxay ka mid ahaayeen hadal uu goobta ka jeediyay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlya ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Haile-mariam Desalegn oo hadda ah madaxweynaha ururka Midowga Afrika, isagoo sheegay in madaxda Afrika ay ka go’an tahay inay raacaan tusaalooyinkii uu ka tagay Mandela.

“Madela wuxuu ahaa halyey isagoo kale aanu ka dhalan Afrika, inaan maanta noloshiisii u dabaal-dagnana waa waajib na saaran. Mar kale si aan nafeenna ugu qancinno waa inaan raacnaa cadaaladdii, sinnaanti iyo horumarkii uu gaarsiiyay dad kala dhaqan, afkaar iyo diin ah iyo sidoo kale xorriyadii inuu u horseeday Koonfur Afrika oo xor ha iyo iyo kicintiisii hooyada Afrika,” ayu yiri Desalegn.

Axmed Maxamed Kathrada oo la xirnaan jiray Nelson Mandela oo isaguna hadal aad u qiiro badan ka jeediyay xafladda aaska Nelson Mandela ayaa sheegay inuu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu muhiimsan ururka ANC.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa ANC hoggaamintii wadajirka ahayd ee ay u soo galeen halgankii xorriyad-doonka Koonfur Afrika, innagoo si cad ugu faanayna in Koonfur Afrika ay iska leeyihiin dhammaan dadka madowga iyo caddaanka ah ee ku nool, suuro-galnimada xorriyadda Koonfur Afrikana waxaan si weyn uga mahad-celinaynaa Madiba,” ayuu yiri Axmed Kathrada.

Madaxweynaha dalka Malawi, Joyce Banda ayaa iyaduna ku ammaantay Nelson Mandela shaqadii uu ka qabtay gobolka, iyadoo sheegtay in Madiba uu aamisanaa in dadka oo dhan ay wada-siman yihiin Alle hortiisa, ma ahan oo keliya inuu horseeday xorriyadda dalkiisa ee wuxuu horseeday tan Afrika oo dhan, howshiisii oo dhan waxay ahayd mid uu Alle dartii u qabanayay. Xitaa wuxuu na baray in dhibaatada nolosha oo ah mid aad u weyn oo aan laga gudbi karin in laga gudbo oo laga hortago shaydaanka ku dhex-jira ummaddeenna.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Tanzania Jacaya Kikuwera oo ka mid ahaa madaxdii ka hadlay aaska Mandela ayaa xusay inay muhiim tahay in lala wada-dagaalammo cadaalad-darrada iyo faqriga Qaaradda ragaadiyay, lana raaco tusaalooyinkii Madiba.

Aaska Madaxweynahii hore ee Koonfur Afrika Nelson Madela oo loogu yeero Madiba ayaa waxaa ka qaybgalay 4,500 oo qof oo isugu jiray madaxda Afrikaan ah iyo dadweyne kale caddaan iyo madow lahaa.

Nelson Mandela oo ahaa aabbihii xorriyadda dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhashay Qunu oo ah tuulada maanta lagu aasay sannadkii 1918-kii, isagoo xabsi ku jiray 27-sano oo ka mid ah cimrigiisa, wuxuuna ku dhintay toddobaadkii hore 95-sano.



SMaxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/15/2013 4:28 PM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Qaaradda Afrika ku yaalla ee ee IGAD ayaa maanta danjire Maxamed Cabdi Afeey u magacaabay ergaydooda gaarka ah ee Soomaaliya.

12/15/2013 4:27 PM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Koox bastoolado ku hubeysneyd ayaa caawa fiidkii nin wadaad ahaa ku dhex toogtay masjid ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Wardhiigley, xilli uu dhageysanayay cashar tafsiirka Qur’aanka kariim ah oo laga akhrinaay masaajidkaas.

12/15/2013 1:27 PM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Musharrax Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah xubnaha murashaxiinta ah ee u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa saacado kahor gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii gelinkii hore ee maanta loo diidey in uu magaalada soo galo.

12/15/2013 12:49 PM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed la horkeeno baarlamaanka 18-ka bishan December oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota.

12/15/2013 9:22 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Dagaallo khasaare nafeed oo fara badan geystay ayaa maalintii labaad ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo dagaalladan ay si xowli ah maanta uga socdaan deegaanno u dhexeeya degmooyinka Jannaale iyo Awdheegle.

12/15/2013 8:18 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Hiiraan Online ayaa waxaa maanta u suuro-gashay in ay booqato xarunta waxbarashada agoonta ee Banaadir oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho si wax badan looga ogaado howlaha ay xaruntan u qabato caruurta Soomaaliyeed.

12/15/2013 6:44 AM EST
Axad, December 15, 2013(HOL) :- Boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah ayaa saaka waxa ay guryahooda uga soo kalaheen si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan ra’isul wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Max’ed.

12/15/2013 6:27 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa lagu qababtay in ka badan 600 oo ruux, kuwaasoo u badanaa ardayda, ganacsatada iyo qaar ka mid ah macallimiinta iskuullada magaalada, iyadoo maanta aan la aadin iskuullada, waayo waxaa la xirxiray ardaydii iyo macallimiin fara badan.

12/15/2013 6:09 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyey deeq isugu jrta barsii, sokor, saliid, timid iyo dhar dadkii ay samaaeynta ku yeesheen fatahaadda webiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellada dhexe.

12/15/2013 2:19 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerar iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho, iyadoo dagaal culus uu xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan jidka warshadaha.

12/15/2013 2:02 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan shalay ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho ayna isugu yimaadeen ganacsatada, jaamacadaha, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah, dhibbanayaal uu dabkii u danbeeyay ee KM-4 cayrteeyay iyo waxgarad kala duwan ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed oo ku waayay hanti gaaraysa 2.3-Milyan doollar kaddib markii qiimeyn dhab ah lagu sameeyay.

12/15/2013 1:45 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Bandhig farshaxaneed Soomaaliyeed ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo bandhigan uu qayb ka yahay barnaamij cusub oo loogu magac-daray (Quraca Nabada), kaasoo suura-gelinaya in dhaqanka farshaxanka iyo fanka loo adeegsado sidii nabadda Soomaaliya loo xoojin lahaa, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay colaaduhu kala fogeeyeen.

12/15/2013 1:19 AM EST
Axad, December 15, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu yahay nin fulin kara howsha loo idmaday, isagoo xusay in uu ku kalsoon yahay inuu gacan ka geysan karo dhexdhexaadinta Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.