4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Bandhig Farshaxameed Soomaali ah oo Markii ugu Horreysay lagu soo ban-dhigay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya (SAWIRRO)


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Bandhig farshaxaneed Soomaaliyeed ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo bandhigan uu qayb ka yahay barnaamij cusub oo loogu magac-daray (Quraca Nabada), kaasoo suura-gelinaya in dhaqanka farshaxanka iyo fanka loo adeegsado sidii nabadda Soomaaliya loo xoojin lahaa, isla markaana la isku soo dhaweyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay colaaduhu kala fogeeyeen.

Bandhiggan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo ay kasoo qayb-galeen inta badan safaaradaha uu caalamku ku leeyahay dalka Kenya iyo jaaliyadda Soomaalida ee Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Amerika) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in fanku yahay aalad isku soo dhaweyn karta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in Soomaaliya ay ka jirto aqoon casri oo dhinaca farshaxanka ah loona adeegsan karo in lagu hormariyo is fahamka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo furay bandhiggan ayaa sheegey in Soomaaliya ay u baahan tahay dibu heshiisiin dhexddeeda ah fanka iyo farshaxankuna kaalin mug leh ka geysan karo nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in Soomaaliya waligeed ay ku wadahadli jirtay geed hoostii marka dhib jiro iyo markii farxad jiro.

"Barnaamijkan wuxuu suuro-gal ka dhigayaa inaan dib ugu noqo geedkii aanu ku wadahadli jirnay, waxaana ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in quraca nabadda la gaarsiiyo dalka guud ahaantiisa," ayuu yiri Jawaari.

Barnaamijkan waxaa iska kaalmeystay dowladda Soomaaliya iyo hay’ado kala duwan oo ka kaalmaynaya dowladda in Quraca Nabadda la gaarsiiyo dalka oo dhan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya