Soomaalida (UK) oo uga mahad celisay dawladda Turkiga dadaalkii ay ka gaysatay Soomaaliya




Isniin, September 12, 2011(HOL) - Qaar kamid ah xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Britain ayaa uga mahad celiyay taageerada siyaasadeed iyo midda bini’aadanimo ee ay Turkigu siiyeen dadka Soomaaliyeed eek u dhibaatoobay abaaraha iyo colaadda ka taagan Soomaaliya.

Xubnahan oo isugu jiray haween,dhalinyaro iyo odayaal ayaa muujiyay sida ay ula dheceen booqashadii uu Ra’iisul wasaare Recep Tayyib Erdogan ku tagay Soomaaliya,isagoo naftiisa halis u galiyay sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa wadciga ay ku suganyihiin dadka Soomaaliyeed ee ay macaluushu halakaysay.

Waxaana dhambaal mahad celin ah oo loo diray Ra’iisul wasaare Erdogan ku saxiixnaa madaxa Soomaalida Qurbo-joogta ah ee dalka (UK) Maxamed Cilmi., kaasoo loo gudbiyay safiirka u jooga dalka Turkiga waddanka Britain oo ay ku booqdeen safaaradda Turkiga.

Maahan markii ugu horreysay ee mahad celin loo gudbiyo Ra’iisul wasaare Erdogan iyo xukuumaddiisa, balse waxaa soconaya farriimaha mahadinta ah ee ay Soomaalidu u gudbinayaan dawladda Turkiga,tan iyo markii uu magaalada Muqdisho booqashada ku tagay Erdogan.





Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya