Ciidamada DKMG ah ayaa dib ugu soo laabtay degmada kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen maqribnimadii xalay, mana jirin dagaal ka dambeeyay kii shalay oo Al-shabaab ay degmadaas kaga qabsaday ciidamada dowladda KMG ah.
Shacabkii ku noolaa degmada Ceelwaaq ayaa gabi ahaan halkaas isaga baxay iyagoo baqdin ka qaba inay dagaallo kale ka dhacaan, waxaana gudaha degmada laga soo sheegayaa inay ku sugan yihiin ciidamada dowladda oo wata gaadiid dagaal.
Xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee dib uga baxay ayaa iyaguna ku sugan meel ku dhow degmada Ceelwaaq, waxaana sarakiil labada dhinac u kala hadlay ay guulo ka sheegteen dagaalkii shalay dhacay.
Afhayeenka howlgalada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal oo fara badan.
Inkastoo warkan aysan beenin saraakiisha dowladda haddana waxay dhankooda sheegeen inay ku dileen dagaalka dagaalyahano fara badan oo ka tirsan kuwii soo weeraray ee Al-shabaab, balse ma sheegin hub ay ku qabsadeen dagaalka.
Maydadka qaar ka mid ah dadkii ku dhintay oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan kuwa DKMG ah ayaa weli yaalla gudaha degmadaas oo dagaal culus uu ka dhacay shalay, iyadoo dhaawacyadii ciidamada dowladda loo qaaday dhinaca dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya