
Isniin,September 12, 2011(HOL) Nairobi,Kenya - Dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa iyagoo nool ku bas beelay, kadib markii ay qaraxday dhuun shidaal meel lagu kaydiyo shidaalka oo ku taalla deegaanka Lunga lunga ee xaafadda warshadaha badani ku yaallaan ee Nairobi.
Dadkan ayaa intooda badan waxaa guryahoodii ugu tagay olol soconaya taasoo keentay in si naxdin leh ay u gubtaan dad fara badan.
Dhaawaca oo boqollaal dhaafaya ayaa iyagana la geeyay isbitaallada,iyadoo ay ka muuqato dhaawacyo halis ah oo u badan gubasho.
Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa booqday goobta ay musiibadu ka dhacday, isagoo uga tacsiyeey qaranka dhibaatadan sida kadiska ah u dhacday.
Ra'iisul wasaaraha ayaa ilmeeyay markuu arkay inta ay le'egtahay dhibaatada meesha ka dhacday.
Kenya ayay aad uga dhacaan shilalka noocaan oo kala ah, iyadoo sannadkaan gudihiisa ay markii saddexaad noqonayso shil ka dhashay dhuun shidaal oo qaraxda.





Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya