Shanta qof ee la sii-daayay waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqe dhinaca xuquuqda aadanaha ah oo u dhashay dalka Kenya kaasoo lagu magacaabo Al-Amin Kimathi, kaasoo ciidamada Uganda ay qabteen sannadkii 2010.
Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga kusii jirayaan 14-qof oo weli laga shakisan yahay, kuwaasoo lasoo taagayo dhawaan maxkamad. Iyadoo horay loo sii-daayay dhowr qof oo kale oo dhammaantood ahaa dadka laga shakisnaa.
"Qaaliga maxkamaddu wuxuu fasaxay in xabsiga laga sii-daayo shan qof oo kala ah laba Kenyan ah, qof Soomaali ah iyo laba Uganda u dhashay," ayaa lagu yiri warka lagu sheegay sii-daynta dadkan.
Weerarkii ka dhacay Kampala ayaa waxaa ma'suuliyaddiisa sheegtay Xarakada Al-shabaab, iyadoo afhayeenkooda uu sheegay inay ugu aargudayeen dad ay ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ay ku laayeen duqeymo ay u geysteen Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya