Xukuumadda KMG Somalia oo faahfaahin ka bixisay waxqabadkeeda muddadii ay xilka haysay

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Xukuumadda Federalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay waxqabadkeedii dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, wadatashiga Soomaalida iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ahna afhayeenka xukuumadda mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yarisow) ayaa sheegay inay jiraan horumar fara badan oo laga sameeyey dhinacyo kala duwan, hase yeeshee aysan xukuumaddu is-dhiganayn bacdamaa caqabadaha jira ay aad u badan yihiin, waqtiguna uu aad u yar yahay.

"Xukuumadda waxaa ka go’an in muddada 12-ka bilood ah lagu qabto howlo far badan si loo gaaro ujeedooyinka aan hiigsaneyno," ayuu Inj. C/raxmaan Yariisow ku sheegay qoraal ay xukuumaddu soo saartay.

Arrimaha horumarka ballaaran laga sameeyey ayuu ku sheegay:

1. AMNIGA:

Ogoosto 6-deedii waxaa muqdisho isaga baxay Al-Shabaab. Ciidamada dowladda muddo fara badan ayay si is-daba-joog ah ayay guulo u gaarayeen dagaallada, iyadoo Al-shabaab dhallinyaro badan uga dhinteen dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

"Dowladdu waxay u saartay guddi heer wasiir ah oo qiimeyn kusoo sameeya goobihii ay ka baxeen Al-Shabaab kaddibna la dhisay ciidan gaar ah oo soo celiya amniga caasimadda, isla markaana la wareegay suuqyadii Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo lagu guuleystay in laga illaaliyo bililiqo. Waxaa lagu guuleystay in maamullo loo sameeyo degmooyin iyo guddi amni oo xaafad walba loo sameeyay. dowladdu waxay aaminsan tahay in Al-Shabaab aysan dhiman oo ay weli nool yihiin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

2. GAR-GAARKA BANI’AADANIMO:

Xaaladda bani’aadanimo ama macluusha ka dilaacday dalka waa tii ugu xumeyd 60-kii sano ee la soo dhaafay. Sababaha keenay inay macluusha heerkan gaarto ayaa ah in Al-Shabaab ay dadkii ka hor-istaagay gargaarkii bani’aadanimo, dagaallada dalka ka soconayay muddo dheer iyo roobabkii oo yaraaday.

Dowladdu waxay durbadiiba ku dhaqaaqday inay shacabka ku soo barakacay Muqdisho u sameyso xerooyin sida Bad-baado iyo Rajo oo loo sameeyay hoy, biyo isla markaana si joogta ah loo quudiyo barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dowladdu waxay ku guuleysatay qeylo dhaan rasmi ah oo keentay in madaxdii caalamka qaarkood ay yimaadaan Muqdisho, sida madaxweynaha Djibouti, ra’iisul wasaaraha Turkiga, wasiirka arrimaha dibadda Iiran, Amiirka Imaaraadka Carabta, wasiirada horumarinta caalamiga ee dalalka Ingiriiska, Holand, Sweden, Spain, Amiir Al-Waleed iyo mas’uuliyiin kale oo u soo wada gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Xukuumaddu waxay sameysay guddi heer wasiir ah iyo hay’adda maareynta masiibooyinka oo madax looga dhigay ururada bulshada rayidka ah si mucaawanada loo gaarsiiyo dhammaan gobollada dalka. Waxaa lagu guuleystay in caalamku uu qabto shirar lagu saacidayo shacabka sida shirkii Addis Ababa, kii Turkiga iyo kii Nairobi oo ugu danbeeyey.

Ra’iisul wasaare Cabdilweli Maxamed Cali wuxuu ugu baaqay caalamka in xal waara loo helo macluusha oo shacabka Soomaaliyeed loo abuuro mashaariic horumarineed si shacabku uu isagu tashado. Dowladda Turkiga oo ka jawaabeysa codsiga ra’iisul wasaaraha waxay dhawaan billaabeysaa dib-u-dhiska isbitaalka digfeer, goobo kale ee caafimaad iyo waddooyinka Muqdisho.

Xukuumaddu waxay ku dhiirri-gelisay hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed inay xoojiso dadaaladeeda, kuna amartay dhammaan hay’adaha bisha cas ama laan-qeyrta cas ee dalalka adduunka inay si toos ah ula soo xiriiraan bisha cas ee Soomaaliyeed oo ay ka saacidaan gar-gaarka bani’aadanimo.

3. DIB-U-HESHIISIIN IYO XIRIIRKA MAAMULADA:

Ra’iisul wasaaraha barnaamijkiisa xukuumadda ee uu baarlamaanka ansixiyay waxuu ku xusay inuu xoojin doono xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, ra’iisul wasaaruhu wuxuu booqasho ku tagay Puntland iyo Galmudug oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey, isla markaana uu dhidibbada u soo aasay xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagana booqday Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran dib-u-heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada ayay ku guuleysatay in markii ugu horreysay Muqdisho lagu qabto shir Soomaaliyeed oo looga hadlayay mustaqbalka dalka, shirkan oo ahaa mid ay ajendihiisa iyo hoggaamintiisaba lahayd Soomaaliya - waxaa lagu guuleystay in dowladda dhexe, maamullada dalka ka jira iyo Ahlusunna ay isagu yimaadeen iyadoo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuna ay goobjoog ka ahaayeen.

Waxaa muddo seddex cisho gudahood lagu guuleystay in la isku raaco dariiqii la mari lahaa 12-ka bilood ee soo socda (Road-map) iyo in la fuliyo arrimaha mudnaanta koowaad u leh shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin: dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah.

GUNAANAD:

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda, golaha wasiiraddu waxay ansixiyeen go’aankii kasoo baxay shirka wadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho, waxayna isla markiiba soo saareen siyaasadii lagu dhameystiri lahaa dastuurka oo ka kooban sideed qodob oo ay ka mid yihiin in dhawaan la sameeyo guddi khubaro ah oo dib-u-eegid ku sameeya dastuurka iyo guddi isku dhafan oo ka baaraan dega sida lagu sharciyayn karo dastuurka iyo weliba qorshayaasha la tashiga guud ee dadweynaha.

Dowladdu waxay sameysay qorshihii ansixinta Muqdisho iyo dalka intiisa kale oo dhaqan-gelintiisa la wado. Waxaa kaloo u suuro-gashay in dowladdu ay la tashiyo la sameeyo maamullada cusub ee daneynaya inay sameystaan maamulo iyagoo raacaya hab-raaca axdiga.

Xukuumaddu waxay waddaa qorsheyaal la-tashiyo lagula sameynayo shacabka Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta oo dhawaan ra’iisul wasaaraha uu kulamo lasoo qaadan doono qurbo joogta Soomaaliyeed.

Walow ay jiraan caqabado fara badan ee loo baahan yahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan, haddana Inj. Yarisow waxuu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in lasii joogteeyo horumarka baaxadda leh ee la taaban karo, si loo gaaro himilooyinka aan tiigsaneyno.

Ugu dambeyn, Inj. C/raxmaan Yarisow wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qurbo-joogta inay lasoo xiriiraan dowladda si ay kaalin mug leh uga qaataan howlaha baaxadda leh ee socda. Waxuuna u ballan-qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato shacabkeeda, talana ku yeeshaan masiirka dalkooda.