Qarax ka dhashay dhuumaha shidaalka qaada ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen dad ka badan Boqol qof

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in dad ka badan 100-qof ay ku dhintay maanta magaalada Nairobi, kaddib markii ay qaraxday dhuun kuwa shidaalka qaada ah.

Qaraxa dhuunta shidaal ayaa ka dhacay xaafadda Lunga-Lunga oo ah xaafad warshadeed, iyadoo ciidamada la dagaalama dabka iyo ay isku daydayaan inay damiyaan dabka oo aad u xooggan lagana baqdin qabo inuu ku faafo xaafado kale.

Dhuumaha shidaalka ee qarxay ayaa waxay ku yaallaan xaafad ay dadku ku badan yihiin oo u dhexeysa faras-magaalaha Nairobi iyo garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in tiro ka badan 80-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba loo qaaday isbitaallada si loo daweeyo. Sarkaal u hadlay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in dadka badankood ay yihiin kuwo si xun u gubtay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay qaraxa dhuumaha shidaalka xambaara, iyadoo sidoo kale aysan ka hadlin saraakiisha dowladda Kenya, waxaana xaafadda uu dabku ka kacay ka taagan buuq weyn.

Ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo milateri ayaa buuxiyeen xaafada uu dabku ka kacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dhimashadu ay marayso 150-qof inkastoo dowladdu ay sheegtay inay haysto 100-qof oo dhintay.

"Xalaaddu aad ayay u xun tahay, waxaa jira dad badan oo dhintay markii ay gubteen kaddib," ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka booliiska Kenya, Charles Owino oo la hadlay warbaahinta. "Waxaa jira maydad badan oo weli maqan."

Goobjooge lagu magacaabo Joseph Mwego oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu maqlay qaylo, kaddibna qarax weyn, markii uu eegayna uu arkay qiiqo iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.

Ma ahan markii ugu horreysya oo ay dad badan ku dhintaan dalka Kenya dad ka dhashay shidaal, waxaase la xusuustaa in sannadkii 2009 ay ku dhinteen 100-qof deegaan lagu magacaabo Molo oo ku yaalla galbeedka Kenya kaddib markii uu dab ka kacay booyad shidaal oo gadoontay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya