Guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo ka badbaaday isku-day dil

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Wararka laga hellayo degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo guddoomiyaha degmada ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Cismaan Ciise Nuur ‘’Taardhuleed’’ oo ah guddoomiyaah degmada Guri-ceel ayaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday miino nooca meelaha fog fog laga hago ah, taasoo keentay dhimashada labo ruux oo rayid ah, halka tiro intaa ka badanna uu dhaawac ka soo gaaray.

Warbaahinta oo xiriir la sameysay guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerarka oo ka dhacay ilinka hore guriga guddoomiyaha gollaha fulinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sida oo kale guddoomiyuhu uu ka badbaado weerar la doonayay lagu khaarajiyo, waxaana xusid mudan in kol hore lagu weeraray meel aan ka fogeyn gurigiisa degmada Guri-ceel kadib markii qarax lala eegtay gaari uu watay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya