Wafdi ka socda dalka Turkiga oo ay ku jiraan Ganacsato iyo Injineerro oo maanta soo gaaray Muqdisho

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Wafdi ka socda dalka Turkiga oo isugu jira ganacsato, injineerro iyo xubno ka socda wasaaradaha dalkaas ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha.

Wasiir u dowlaha wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka Siciid Qoorsheel ayaa u sheegay warbaahinta in wafdigan ay qiimeyn ku sameyn doonaan habka dib u dhis loogu sameyn karo dalka, iyagoo la kulmi doona wasaaradaha dowladda KMG ah.

"Xubnaha wafdigan waxay isugu jiraan ganacsato, injineerro iyo saraakiil ka socda wasaaradaha dalka Turkey, waxayna u kuurgalayaan sida ugu habboon ee dib u dhis loogu sameyn karo Muqdisho," ayuu yiri Siciid Qorsheel oo sheegay in wafdigan ay qayb ka yihiin ballanqaadyo uu sameeyay ra'iisul wasaaraha Turkiga markii uu boqashada ku yimid Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa waxay sheegtay inay kaalin mug leh ka qaadan doonto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Muqdisho oo ku burburtay dagaalladii 20-ka sano socday, iyadoo wafdigan ay toddobaadyo ku sugnaan doonaan Muqdisho.

"Wafdigan tiradoodo waa boqolaal waana wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dalka Turkiga oo Muqdisho soo gaara," ayuu yiri Qorsheel oo sheegay in muddada ay ku sugan yihiin dalka ay la shaqeyn doonaan xukuumadda KMG ah.

Ra'iisul wasaaraha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday maalin ah ku tagay Muqdisho bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay, isagoo u kuurgalay xalaadda ay ku sugan yihiin dadkii abaaraha kasoo barakacay, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu ka shaqeyn doono dib u dhiska Soomaaliya iyo caawinta dadka dhibaateysan.

Ciidamada DKMG ah ayaa xiray wadooyinka Muqdisho intii uusan soo degin wafdigan waxaana la hakiyay socdka gaadiidka iyo kan dadweynaha, iyadoo arday badan ay dib uga dhaceen waxbarashada, halka dad badanna ay shaqooyinkoodii habsan uu uga dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya