Kooxahan ayaa lagu kala sheegay kuwo taageersan dowladda Itoobiya iyo kuwo kasoo horjeeda, iyadoo la sheegay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay dagaallo khasaare geystay ku dhexmareen gudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Dagaalka kooxahan ayaa wuxuu hadda u soo wareegay dhinaca Kenya, sida ay baahisay warbaahinta Kenya, iyadoo kooxahan ay billaabeen inay is-ugaarsadaan iyadoo koox walba ay ku tuhmayso Kenya inay kooxda kale taageerayso.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya James Ole Serian ayaa u sheegay wargeyska the Standrad ee kasoo baxa Kenya inay ka taxdarsan yihiin weerarrada kooxahan u dhexeeya. "Ma aqbalayno in ammaanka la handado," ayuu Ole Serian yiri.
Madaxa golaha imaamyada Kenya ee Gaarisa Sheekh Xasan Camey ayaa sheegay in dagaallo u dhexeeyo kooxo hubeysan ayaa caqabad ku noqdeen. "Xukuumaddu way ogtahay dagaallada u dhexeeya kooxaha hubeysan, balse waxba kama aysan qaban dhiigga qubanaya," ayuu yiri.
Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Siraad oo laga soo doorto degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa walaac ka muujiyay weerarro ay burcad hubeysan kusoo qaadaan deegaannada ku dhow xadka ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in kooxahaas ay dileen saddex qof, sideed kalena ay si xun u dhaawaceen toddobaadkii hore, kaddib markii ay weerareen deegaanka lagu magaalada Banajatula.
"Burcaddu waxay afduubeen gaari waxayna ula tallaabeen dhinaca Soomaaliya, kaddib markii ay geysteen dhimasho iyo dhaawac," ayuu yiri xildhibaan Siraad. Isagoo intaas ku daray in burcad ka yimid dhinaca Soomaaliya ay 14-qof ku dileen deegaanka Habaas-weyne ee dalka Kenya lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
Dalka Kenya ayaa wuxuu xuduu dheer la wadaagaa dalka Soomaaliya, halkaasoo ay inta badan ka dhacan dagaallo qorsheysan iyo weerarro lagu waxyeelleeyo dad isugu jira shacab iyo dalxiisayaal.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya