Markab wada gargaar bani'aadamnimo oo ay ku deeqday dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho


Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Markab sida gargaar bani'aadamnimo oo dowladda Turkiga ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa maanta oo Isniin ah kusoo xirtay dekedda Muqdisho.

Deeqdan oo culeyskoodu yahay 5,000 tan ayaa waxay isugu jirtaa raashin, dawo, qalabka nadaafadda, martoorrada dabka dhaliya iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wadaa in bisha cas ee dalka Turkiga ay u qaybiso barakacayaasha abaaraha.

Markabkan oo lagu magacaabo "Burak A" ayaa safarkiisu wuxuu qaatay 22 casho, waxaana imaanshihiisa ay kusoo beegmaysaa xilli Muqdisho ay soo gaareen maanta wafadi ka socda Turkiga oo ay tiradoodu ka badan tahay 200 oo qof oo isugu jira wasiirro, ganacsato, injineerro iyo quburo kale.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa toddobaadyo ka hor booqasho ku yimid Muqdisho isagoo sheegay inay gargaar fara badan u soo diri doonaan Soomaaliya sidoo kalena ay ka qaybqaadan doonaan dib u dhiska dalka.

Wasiirka wasaaradda gurmadka deg-degga ah ee musiibooyinka Turkiga, ayaa sheegay in dalkiisu uu u ururiyay Soomaaliya deeq lacageed oo gaaraysa 225-milyan oo Dollar, si loogu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airline oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay howlo duulimaad ka bilaabaan dhawaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

"Waxaan qorsheynaynaa inaan dhawaan ka billowno Muqdisho duulimaadyada ay ku tagaan diyaaradaha Turkiga 140 waddan oo dunida ah," ayuu yiri sarkaalkan oo ku daray hadalkiisa: "Qalabka ka dhiman garoonka intiisa badan waan keennay, marka la xiro ayaana duulimaadyada horay ka billaabaynaa."

Sarkaalkan ayaa wuxuu ka mid ahaa wafdi ka badan 200-qof oo ka socday dalka Turkiga oo maanta soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo u kuurgeli doona habka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo dhinaca dib u dhiska isbitaallada, waddooyinka iyo hay'adaha dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya