Madaxwayne ku-xigeenka Puntland oo Itoobiya kala hadlaya sidii lagu sii-dayn lahaa xildhibaan ka tirsan barlamanka Puntland

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii uu xoriyadiisa dib ugu heli lahaa xildhibaan Xasan xaange oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland,kaasi oo muddo bil ka badan ku xiran gudaha wadankaasi Itoobiya.

"Xildhibaanka waxaa la xiray taariikhdu markay ahayd 17/8/2011 ,waxaana laga kaxaystay deegaanka Qaloocan mar uu ka qayb-galayay caleema saarka Suldaan C/qani Suldaan Xasan Cali Baale"ayuu yiri mudane ka tirsan barlamanka Puntland oo la hadlay warbaahinta.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la sheegay in magaalada Adis Ababa ay u tageen sidii loo soo dayn lahaa xildhibaanka xiran ,iyadoo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Ithopia uu iminka yahay mid wanaagsan.

Waxaa dhinacyada Puntland iyo Ethopia lagu wadaa in ay iska afgartaan sii daynta masuulkan mudada halkaa lagu haysto ,waxaana soo baxaya baaqyada loo jeedinayo Adis-Abab ee ku aadan in mudanaha uu xoriyadiisa dib u helo sida ugu haboon.

Si rasmi ah umaysan shaacin dowladda Ethopia sababta keentay xarigaasi oo dhaawac u keeni xiriirka labada dhinac,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in mudanaha xiran xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Safarka uu madaxwayne ku xigeenka halkaa ku gaaray oo aan ahayn kii ugu horeeyay ayaa hadana lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah madaxda ugu saraysa Ethpoia si uu ugala hadlo arimo ku aadan in labada dhinac ay iskaashi ka yeeshaan arimaha ammaanka.

Faysal Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Somaaliya