Sabti, Oktobar 22, 2011 (HOL)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Weftigii uu hoggaaminayay ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo uu dhawrkii maalmood ku joogay gobolka Awdal
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey magaalada Boorama ujoogay inuu soo afjaray khilaaf ka dhexeeyey madax dhaqameedka gobolka Awdal kaas oo ay sheegeen inay ku guuleysteen inay soo afjaraan khilaafkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa shalay u sameeyey oday dhaqameedka gobolkaasi casuumad, waxaanay soo afjareen khilaaf hadheeyey bilihii u dambeeyey suldaanada gobolkaasi.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray laba waddo oo ay dawlada hoose hirgalisay, waxaanu amaanay madaxda dawlada hoose kuna tilmaamay inay ku talaabsadeen horumar weyn.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Dilla, halkaas oo shacabkii soo dhoweeyey ku amaanay soo dhoweynta ay u sameeyeen weftigiisa.
Guddoomiyaha degmada Dilla Ibraahim Cabdi Xaaji oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in xaalada degmadu aad u wanaagsan tahay, waxase uu xusay in ciidamada amaanku aanay ku filayn degmada isla markaana ay haysato baahiyo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin gaadiid la’aan waxaanu ka codsaday xukuumada inay u soo kordhiso tirada ciidanka Booliska.
Madaxweyne Ku xigeenka iyo weftigiisu waxay soo kormeereen wadooyin cusub oo laga dhjsay magaalada Gabilay iyo dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta dawlada Hoose ee Gabilay. Halkaasi oo uu kulan xog waraysi ah la yeeshay maamulka degmada, gobolka, cuqaasha iyo laamaha dawlada ee gobolka Gabilay.
Weftiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Duulista hawada, Dib u dejinta, Hawlaha Guud, Beeraha , Wasiir Ku xigeenka Waxbarashada, Agaasimeyaal guud, Xildhibaaano, La Taliyeyaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan.
Weftigan uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenku ayaa ku guuleystay inay xaliyaan khilaafkii gobolka hadheeyey.
Barkhad-Ladiif M.Cumar ,Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa Somaliland