Cabsi Soo Foodsaartay Ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Wadanka Koonfur Afrika

Cabirka Farta

Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa waxa soo foodsaartay cabsi aad u daran kadib markii ay goodis kala kulmeen qoomiyadda reer Koonfur Afrika oo iyagu sheegay in aysan ogolaan doonin in dalkooda ay si xor ah uga ganacsadaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Cabsida lasoo daristay ganacatada Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii ay soo dhawaatay ciida Kirismaska oo ay ka harsan tahay laba biloow oo qura.

Wariye Max’ed Cabdi Coloow oo ku sugan magaalad Johansberg ee dalka Koonfur Afrika ayaa HOL uga waramayay marxalladda ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika.

Colow ayaa sheegay in cabsi iyo welwel xoogan uu lasoo darsay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, kaddib markii ay soo dhawaatay ciidda Kirismaska, wuxuuna sheegay in aalaaba marka ay ciidaha soo dhow yihiin dhac iyo dil loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed.

"Shalay waxa la dhacay goob dukaan ah oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, iyadoona dhaawac loo geystay dhalinyaro halkaasi ka shaqeyneysay, todobaadkan gudihiisa waxa la dhacay ku dhowaad 30 dukaan, 5 qofna waa la dilay, ilaa 15 kalena dhaawacyo halis ah ayaa loo geystay kadib markii lagu soo weeraray goobahoodii ganacsi," ayuu yiri Mr. Colow

06, bishan October, ayay ahayd markii taliyaha ciidamada booliska Koonfur Afrika Bheke Cele sheegay in dalka Koonfur Afrika ay dhibaato ba’an ku hayaan dadka qaxootiga ah ee kasoo tallaaba wadamada dariska la ah dalkaasi, isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay dadka Soomaaliyeed in ay la dageen dhaqalihii uu dalka lahaa, arintaasi ayaa waxa sikulul uga jawaabay Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo iyagu sheegay in ay tahay arin uu masuulkaasi ku doonayay in uu ku kiciyo shacabka ree Koonfur Afrika oo iyagu markii horeba aan ku faraxsaneen Joogitaanka dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi South Africa.

Dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqata in maalinba maalinta ka danbeyso ay kasii dareyso, iyadoona dowladda South Africa ay indhaha ka daboolaneyso dhibaatada loo geysanayo umadda Soomaaliyeed, mana jiraan ilaa imika wax tallaabo muuqata oo lagu samatabixanayo umadda Soomaaliyeed ee dhiigooda iyo hantidoobada la baneystay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya