Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Dagaallo culus ayaa xalay ku dhexmaray degamda Dayniile ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab, waxaana dhinacyadu ay guulo ka sheegteen dagaalkii xalay dhacay oo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Dagaalkan oo daba socday dagaallo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday degmadaas ayaa wuxuu billowday fiidnimadii xalay, kaddib markii ay xoogagga Xarakada Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.
Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo afhayeenkooda uu sheegay in dagaalkii xalay ku dileen 20-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan. Balse ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalkii xalay dhacay.
"Dagaalkii xalay ka dhacay degmada Dayniile oo safar ballaaran ahaa ayaan ku dilnay 20-askari oo AMISOM ka tirsan, waxaana ku furanay gaari Zuu ah oo ay wateen ciidamada dowladda KMG ah, inagoo gubnay gaari ay ku dagaalamayeen ciidamada Burundi," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.
Afhayeenku wuxuu sheegay inay ku guuleysteen inay dagaalkii xalay ku furtaan hub badan ayna dib u riixaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayna isugu geeyeen xeradii Iveco oo ku taalla agagaarka isbartiibada weyn ee Muqdisho.
Dhanka kale, saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka badbaadiyeen xoogagga Xarakada Al-shabaab gaari nooca dagaalka ah oo ay isku dayeen inay qabsadaan, iyadoo saraakiishu aysan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka iyo midka ay iyagu geysteen.
Xaaladda degmada Dayniile ayaa saakay daggan iyadoo ay degmadu u qaybsan tahay ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab, waxaana labada dhinac ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya