Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe ee Al-shabaab

Cabirka Farta

Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarakada Al-shabaab ayaa loo magacaabay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) oo horay u ahaa guddoomiyaha gobolka Galguduud ee Al-shabaab.

Xaflad shalay gallinkii dambe ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayuu Sheekh Yuusuf Kaba-ku-tukade lagu magacaabay isagoo isla goobta kual wareegay xilka, waxaana goobta ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada dhexe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Sheekh Bukhaari oo horay u ahaa guddoomiyaha gobolkaas ay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayay, sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan Sheekh Yuusuf.

Guddoomiyaha cusub oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo mas’uuliyiinta iyo shacabka gobolkaas ka dalbaday inay ku taageeraan wixii diinta islaamka waafaqsan, wixii kasoo horjeedana aysan ku taageerin.

Xaflada aya waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiinta xafiiska xiriirka gobollada iyo siyaasadda ee Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo sheegay in maamullada ka isku badalayo inay tahay sidii loo xoojin lahaa maamullada Al-shabaab ee gobolka dalka Soomaaliya ka jira.

Gobolka Shabeelada dhexe ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay labadii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab, iyadoo gudoomiyaha cusub uu noqonayo kii sadexaad oo gobolkaas loo magacaabo tan iyo markii Al-shabaab ay la wareegtay gacan ku hayntiisa horraantii sannadkii 2009.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya