Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay nin lagu magacaabi jiray C/llaahi Isaaq Cali oo maxkamadda darajad koowaad ee gobolka Nugaal ay ku heshay dambi ah inuu dilay nabaddoon lagu magacaabi jiray Xasan Waloore.
Maxkamadda ayaa sheegay in ninka la dilay ay ku xukuntay toogasho, kaddib markii uu qirtay inuu dilay nabaddoon Waloore, dilka ayaa waxaa fuliyay wiil uu dhalay nabaddoonka, waxaana goobta uu dilku ka dhacay oo ahayd duleedka Garoowe ku sugnaa mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland, Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in dilka la fuliyay uu ahaa mid xaq ah, isagoo goobta ka sheegay in cid walba oo dil geysata lagu fulin doono xukunkaas oo kale.
Ninka lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada maamulka Puntland oo sheegay inay aasayaan, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo daawanayay sida uu dilku u dhacay.
Xabsiyada Puntland ayaa waxaa hadda ku xiran 60 maxbuus oo dhamaantood ku xukuman dil toogasho, kuwaasoo maxkamadaha Puntland ay sheegeen in lagu helay falal kala duwan oo qaarkood ah dilal ay geysteen.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in dadka ku xukuma dilka iyagana dhawaan lagu fulin doono xukunada dilka ah, isagoo sheegay in howshan ay tahay mid lagu sugayo ammaanka Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya