![]()
Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa oo ka taagan Soomaaliya ay ku qasabtay inay 320,000-qof ay sannadkan oo keliya ka qaxaan dalkooda.
UNCHR waxay warbixinteeda ku sheegtay in 200,000 oo qof oo dadkaan ka mid ah ay galeen dalka Yemen oo xalaad nabadgalyo-darro ay ka taagan tahay, iyagoo rajo ka qaba in ammaan xumada ka jirta Yemen ay ka wanaagsan tahay midda ka jirta dalkooda.
Sidoo kale, hay'addu waxay qoxooti badan ay galeen dalalka Kenya iyo Itoobiya, halka tiro kale oo fara badanna ay safar dhinaca badda ah ku galeen dalka Yemen oo ay ka socdaan rabshado u dhexeeya taageerayaasha iyo mucaaradka xukuumadda dalka Yemen.
"Dalka Yemen waxaa sanadkan oo keliya qoxootinimo ku galay 200,000 oo Soomaali ah," ayuu warbaahinta ugu sheegay afhayeenka UNCHR Andrej Mahecic magaalada Geneva. "Qoxootiga waxay u sheegeen shaqaalaheenna inay uga soo tageen dalkooda abaaro, macluul iyo colaado ka jira, iyagoo sheegay in dagaalladu ay noqdeen kuwo ugu daran ee ku qasbay inay kasoo carareen."
Qoxootiga Sooamalida ah ee galaya dalka Yemen intii u dhexeysay bilaha Janaayo iyo July ee sannadkan ayaa la sheegay inay gaarayeen bil walba 1,600 qof; halka ay tiradu kor u kacday oo ay gaartay 4,500 bishiiba laga soo bilaabo bishii Ogoosto ee sannadkan. Iyadoo tiradan ay sare u qaaday dadka tagay qoxootiga, waxaana tani ay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen gaaray sannadkan oo keliya ka dhigaysaa 196,000 oo qof.
"Xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa ayaa howsheenna ka dhigtay mid khatar badan," ayuu yiri Mahecic. Isagoo sheegay in qoxootiga ay intooda badan kasoo dagaan gobolka Abyan oo ay dagaallo ka dhaceen, ayna u gudbiyaan qoxootigaas xerada Al-Kharaz.
Afhayeenka UNCHR wuxuu sheegay in qoxootiga Soomaalida uu qaarkood qorshaha ugu jiro inay dalkooda ku laabtaan haddii ay xaaladda dalka Yemen kasii darto, halka kuwo kalena ay doonayaan inay uga sii gudbaan dalkaas dalalka kale ee Khaliika Carabta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya