Major General Fred Mugisha oo ah taliyaha AMISOM ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku sheegay inuu booqday goobihii ay dagaalladu ka dhaceen ee Dayniile isagoo sheegay inay horumarro ka sameeyeen howlgalladaas iyagoo kaashanaya ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya.
"Dayniile waa goob muhiim ah oo Al-shabaab ay ka maasho deegaannada loo barakacay, sidoo kalena waxay isku xirtaa Muqdisho iyo deegaanadda koonfureed ee ay ka taliyaan, si ay u xoojiyaan ciidamadooda ku sugan deegaanka Maslax iyo degmada Balcad," ayuu yiri Jen. Fred Mugisha.
Taliyaha AMISOM wuxuu sheegay in dagaalladii ka dhacay degmada Dayniile ay iska-caabin xooggan kala kulmeen Al-shabaab, isagoo sheegay inay uga dhinteen 10 askari, laba kalena ay la’ yihiin, isagoo intaas ku daray in gaari nooca dagaalka ah looga burburiyay dagaalkaas.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada AMISOM wuxuu beeniyay in askar gaaraysa 76 ay Al-shabaab uga dileen dagaal maalin ka hor ka dhacay degmada Dayniile, isagoo wararkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.
Jen. Mugisha, wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay difaacanayso deegaano ay doonayso inay kasoo abaabusho dagaallada iyo gaadiidka lagu fuliyo qaraxyada ismiidaaminta ah, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay ka hortagaan falal walba oo lagu dhibaateynayo shacabka.
Gabagabada warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay awooddeeda ku taageerayso shacabka Soomaaliyeed ayna sameynayso wax walba oo ay awooddo si ay ammaank u xaqiijiso ugana hortagaan falal argagaxiso oo dhan, waxaana lagu sheegay warbixinta in goobaha ay ammaankooda sugayaan aysan ahayn Muqdisho oo keliya, balse ay sugi doonaan ammaanka guud ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya