Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha Xarakada Al-shababa ayaa waxay shacabka ugu baaqeen inay ka qaybgalaan dagaallada socda, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo u dhexeeya xaqa iyo baadilka, waxaana saraakiisha codsigan jeediyay ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur).
Xarakada Al-shabaab ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyay dagaalo khasaare badan geystay kula galeen degmada Dayniile ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, dagaalkaas oo lagu dilay tiradii ugu badnayd oo ciidamada AMISOM ka tirsan.
"Shacabka waxaan ka dalbanaynaa inay dagaallada socda ka qaybgalaan, waayo waa dagaal u dhexeeya gaalo iyo muslimiin," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur oo ka hadlay dibadbax ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Hoggaamiyahan ayaa hadalkiisa raaciyay in shacabku ay iska illoobaan waxay ka tabanayaan Xarakada Al-shabaab, loona baahan yahay inay u guntadaan sidii ay uga qaybgeli lahaayeen difaacida diinta Islaamka.
"Kenya waxaan u sheegaynaa inaan iska celinayno oo aysan si nabadgalyo ah ku joogayn dalkeenna," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo ugu baaqay xubno uu sheegay inay uga yimaadeen dalka Kenya inay lasoo baxaan xifadahii ay barteen si ay xukunka uga tuuraan dowladda Kenya.
Sheekh Abuu-Mansuur ayaa sheegay inay isku diyaariyeen dagaal ay la galaan ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay dagaalka wadayaan inta kooda ugu dambeeya uu ka dhimanayo ama ay ka guuleysanayaan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla ayaa sheegay inay fureen xarumo lagu qorayo dadka doonaya inay dagaallada ka qaybgalaan, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay difaacaan diinta Islaamka iyo shacabka muslimiinta ah.
"Shacabku waa inay iska diiwaan-geliyaan goobaha aan furnay, si ay dagaallada uga qaybgalaan, waxaana soo dhaweynaynaa cid walba oo doonaysa inay uga qaybgasho isqarxin iyo cid walba oo doonaysa inay toos dagaalka u gasho," ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla.
Afhayeenka guud ee Xarakada A-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo isaguna hadal ka jeediyay shalay deegaanka calamada ayaa ugu baaqay shacabka inay af iyo adin uga qaybgalaan dagaallada ka socda dalka oo dhan iyagoo difaacaya diintooda iyo dalkooda.
Hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta Xarakada Al-shabaab ayaa u muuqda mid ay kaga raadinayaan shacabka taageero aanay horay uga haysan, waxaana tani ay qayb ka tahay dadaallada ay Al-shabaab ugu jirto sidii ay ku difaacan lahayd gobollada ay ka taliso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya