Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay afar ruux oo dhallinyaro ah, kuwaasoo ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab, waxaana dhallinyaradan laba ka mid ah lagu sheegay saraakiil.
Dhallinyarada lasoo bandhigay ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada DKMG ah isku soo dhiibeen, iyadoo laba ka mdi ah la sheegay inay ka yimaadeen gobolka Gedo ayna ahaayeen saraakiil, halka labada kalena ay ahaayeen ciidamada dowladda KMG ah.
Hay'addu waxay sheegtay in mid ka mid ah dhallinyaradan uu ahaa madaxa lacagta ee degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, waxaana dadka lasoo bandhiga maanta ku jira wiil 12-sano jir ah kaasoo sheegay in laga keenay dalka Kenya.
Afarta dhalinyarada ah ee ay soo bandhigay hay'adda nabadsugidda DKMG ah ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: C/qaadir Maxamed Maxamuud, Xasan C/llaahi Maxamed, Abshir Maxamed Abshir iyo Sharma'arke Axmed Sheekh oo 12-sano jir ahaa.
"Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan dhinaca dowladda kusoo biirno," ayuu yiri C/qaadir Maxamed oo saxaafadda la hadlay, iyadoo ha'yaddu ay sheegtay in afarta dhallinyarada ah ay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah.
Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin in afarta dhallinyarada ah ee lasoo bandhigay ay ka tirsanaayeen xoogaggooda, iyadoo dowladda KMG ah ay dhowr jeer oo hore kusoo bandhigtay Muqdisho dhallinyaro ay sheegtay inay kasoo goosteen Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya