Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Amiirka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxamaan Abuu-Zubery ayaa sheegay in dagaalladu ay soconayaan inta ay ka gaarayaan hadafkooda oo ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka, isla markaana ay Soomaaliya gundhig u noqoto khilaafadii Islaamka oo dunida dib ugu soo laabata.
Sheekh Mukhtara Abu-Zubeyr ayaa hadalkan ku sheegay cajalad maqal ah oo laga sii daayay idaacadda ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab ee Andulus, wuxuuna sheegay in maalin ka hor ay xoogaggoodu xasuuq ugu geysteen Muqdsiho ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Burundi, taasoo uu sheegay inuu uga mahadcelinayo dagaalyahannadooda.
Amiirka wuxuu sheegay in dadka ku nool degmada Dayniile ay ka qaybgaleen dagaalkii lagu dilay askarta badan ee ka tirsan AMISOM, isagoo shacabka kale ee Soomaaliyeed ka dalbaday inay sidaas oo kale dagaallada uga qaybgalaan.
"Maamullada Xarakada Al-shabaab ee gobollada dalka ka jira waa inay galaan heegan buuxa si looga jawaabo duullaanka lagu soo qaaday diinta islaamka ee ay wadaan dalalka dariska la ah Soomaaliya qaarkood," ayuu yiri Amiirka Al-shabaab.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaallada ka socda gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwo u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta, isagoo ugu baaqay dagaalyahannadooda inay adkeystaan oo ay ku sabtaan dagaallada tan iyo inta ay guusha ka gaarayaan.
"Qorshaha duulaan ee lagu soo qaaday Soomaaliya oo lagu doonayo in gaaladu ay ka taliso waa mid riyo ah. Waxanse goor dhow lagu maamuli doonaan Soomaaliya gees ka gees diinta Islaamka, taasna ayaana meel mar noqon doonta," ayuu mar kale yiri Sheekh Abuu-Zubery.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda ay Soomaaliya u noqon doonto xabaalo, isagoo sheegay in sidoo kale dalalka kale ee ciidamadooda soo geliyay Soomaaliya ay sidoo kale u noqon doonto xabaal.
Ugu dambeyn, hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab wuxuu sheegay inay Alle ka rajeynayaan guul ay ka gaaraan dagaallada socda, isagoo sheegay in shacabka oo dhan looga baahan yahay inay gacan ku siiyaan Al-shabaab dagaallada dalka oo dhan ka socda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya