Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Hay'adda CCD sadexdii sanno ee ugu dambaysay oo Muqdisho lagu qabtay

Cabirka Farta

Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Hay'adda CCD sadexdii sanno ee ugu dambaysay oo Muqdisho lagu qabtay
Sabti, Oktoobar 22, 2011 (HOL) — Shir ballaaran oo looga hadlayay waxqabadkii saddexdii sano ee Hey'adda wada hadalka Bulshada ee CCD iyo Yoolka ay hiigsaneyso Hey'adda waxqabadkeeda sanadka 2012 ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Hey'adda CCD ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, sida Culumaa'udiin, Odayaal waxagard, Nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo Haween ka socday Ururada Bulshada ayaa waxaa ugu horeyn looga dooday waxyaabihii u soo qabsoomay Hey'adda iyo doorkeedii ku aadabaan wax u qabashada bulshada, sida kulamadii iyo wacyi gelintii ay sameysay.

Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar oo ku nuux nuuxsaday in la gaaray hadaf weyn mudadii saddexdii sano ee Hey'adda soo waday la shaqeynta Ururada Bulshada, iyo sare u qaadida aqoonta, horumarinta dhinaca bulshada, iyo ka shaqeynta Nabada.

Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Hay'adda CCD sadexdii sanno ee ugu dambaysay oo Muqdisho lagu qabtay
"Alle baa mahad leh, maanta halka aan joogno iyo halkii hore inuu aad u kala duwan yahay, maxaa yeelay shalay markaan howshan bilaabeynay xaalada waa la socotaa, waxaa ugu horeeyay ee aan Barnaamijyo u qabanayo waa Ahlusuna, xilligaas cid walba oo ka qeyb gashay barnaamijkaas kuma dhiiraneyn inay wajiga kor u qaato ama Makrafoonka ay soo istaagto, waxaan la soconay in cabsi gelin ay jirtay, laakiin maanta taas ma jirto, waayo waxaan gaarnay hadaf muhiim noogu ah inaan codkeena kor u qaadno, si xor ahna u hadli karno, inagoo fikirkeena si geesinimo leh ku jirta u dhiibaneyno"ayuu yiri Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka Bulshada.

Mr Ciise ayaa uga mahad celiyay Qeybaha bulshada sida ay ula shaqeeyeen Hey'adda iyo howlihii wax ku oolka ahaa ee dhinaca bulshada ka qabteen, dhanka wacyi gelinta, iyo sidii Nabada looga shaqeyn lahaa.

"Waxaa muujiseen karti iyo dadaal dheeri ah, shalay hadii wiilka adiga aad dhashay ama kula dhashay aad wax u sheegi karin, ama aad Ashuun ku adin aheyd, maanta ma joogtid heerkaas, waayo waxaa ka hadasheen xaqiiqda, in bulshada dibada u soo baxdo, oo ku wacyi geliseen caruurteen in aan loo adeegsan fikradaha qaldan ee maskaxda lagu soo shubay, ama uu Bastoolad inta uu soo qaato Masaajidka banaankiis kugu dilo, ama Bam tuuro ama Miino uu dhigay, taas waxaa u maleynayaa in wax badan aad ka qabateen wacyi gelintii dhalinyaradii la marin habaabiyay"ayuu yiri Mr Ciise.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in Gobolada dalka ay ka qabteen siminaaro iyo wacyi gelin, isagoo soo qaatay in sanadkan ay ilaa saddex barnaamijyo ka dhigeen Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo markii laga saaray Al-Shabaab iyo Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug oo ay ugu qabteen Culumaa'udiinka Ahlusuna, waxaana uu tilmaamay in barnaamijyadaas oo idil ay bulshada wax ku ool u ahaayeen, sidii meel qura uga tashan lahaayeen aayahooda, si Nabada iyo xasilooni lagu gaaro.

Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Hay'adda CCD sadexdii sanno ee ugu dambaysay oo Muqdisho lagu qabtay
Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday waxqabadka ay hiigsanayaan sanadka 2012, waxaana uu ka dhawaajiyay inay sii laba laabi doonaan howlaha bulshada u hayaan, isla markaana ay toos uga howl geli doonaan Gobolada laga xoreeyo Al-Shabaab.

Shirkan ayaa waxaa ka hadlay Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka socday Dallada Ururada Bulshada Rayidka deegaanada Ex Banaadir, isagoo sheegay in Dallada ay dadaal weyn u gashay sidii aanay u kala tagin, waxaa uu tilmaamay in saddexdii sano ay joogeen heer aad u hooseysa, isla markaana qof walba cabsi ka heysay inuu fikirkiisa ka hadlo, hadase la joogo xilli cod dheer meel fagaare lagu sheegi karo.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed Marwo Caasho Cumar Gees-diir ayaa sheegtay in sida loo aas aasay Ururka Haweenka ay aheyd kadib markii ay arkeen baahida jirtay xilligaas, isla markaana ay hada Haweenka isku xirmeen, si wada jir uga shaqeynayaan nabada iyo wacyi gelinta.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ah Afhayeenka Golaha Sare Culumaa'udiinka ayaa isna sheegay in doorkooda ahaa mid ay dhanka wacyi gelinta Diiniga uga hadlayeen waxa saxda iyo waxa qaladka ah, isagoo tilmaamay inay qaadeen tallaabooyin aad muhiim ugu ahaa in caruurtii la qalday ee dagaalada loo adeegsan jiray in la fahamsiiyo in Diintu ay xaaraan tahay in qof la dilo, halka lagu soo qanci jiray inuu qof soo dilo si uu Janno u galo.

Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Hay'adda CCD sadexdii sanno ee ugu dambaysay oo Muqdisho lagu qabtay
Sheekh Axmed Abukar Gaabow (Sheekh Axmed Dheere) oo dhinaca Odayaasha dhaqanka ka socday ayaa tilmaamay in Odayaasha mar walba ay u taagnaayeen sidii dib loogu soo celin lahaa dhaqankii lumay, si jiritaanka Umada u badbaado, waxaana uu tilmaamay in mudadii saddexdii sano ay qabteen waxyaabo muhiim ahaa.

Canab Xasan Cilmi oo ah Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyed ayaa sheegay inay Haweenka u istaageen sidii caruurta la marin habaabiyay ama kuwo ay dhaleen looga soo bixin lahaa jidka qaldan ay ku socdeen, waxaana ay tilmaamtay in Haweenka ay har iyo habeen ay u joogeen sidii Ciidamada qalabka sida ay u garab taagnaan lahaayeen, iyagoo ka daba sida biyaha iyo caanaha, iyagoo naftooda qatar u gelinaya.

Guddoomiyihii hore Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyed ayaa sheegay in is dhex galka Bulshada ay tahay mid Hey'adda ay si weyn diirada u saartay, isagoo soo qaatay howlihii ballaarnaa ee ay ka qabatay Muqdisho, waxaana uu intaa raaciyay in Hey'adda u gudubto Gobolada kale.

Shirweynaha oo markii dambe la isku weydaarsaday doodo iyo aragtiyo ku aadaneyd waxqabadka la hiigsanayo sanadka 2012, iyo sidii looga mira dhalin karo waxyaabihii la qabtay saddexdii sano ayaa ka qeyb galayaasha ay soo bandhigeen fikrado muhiim u ahaa taaba galka horumarinta bulshada iyo nabada, si bulshada oo isku duuban ay hadaf mid ah uga qaadan lahaayeen colaadaha dalka ka jira, kooxaha danaha siyaasadeed ku wata fikrado qaloocan.