Banaanbax looga soo horjeeday Maamulka madaxwayne Faroole oo Gaalkacyo ka dhacay

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) –Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeeday maamulka madaxwayne Faroole ayaa shalay galab  ka dhacay  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

"Waxaan aad uga xunnahay sida maamulka Puntland uu dayacay amnigii Gaalkacyo oo horay u ahaa mid wanaagsan "ayuu yiri wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland oo mudaharaadkaasi ka hadlay.

Mudaharaadka waxaa ka qayb galay boqolaal qof oo ka mid ah dadka Gaalkacyo oo ay ku jiraan xildhibaano dowlada ka tirsan, iyadoo madaxwayne Faroole lagu eedeeyay in uu ka mashquulay gobolka Mudug.

Sidoo kale dibadbaxaasi waxaa lagu canbaareeyay heshiis ay maalmo ka hor wada gaareen maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ,kaasi oo ka dhacay magaalada Garowe."Mudaharaadku wuxuu ahaa mid looga soo horjeeday amni xumada Gaalkacyo "ayuu yiri mid ka mid ah wariyayaasha Radio Gaalkacyo oo aan khadka taleefanka kula hadlay.

Bashiir Cali Biixi wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in amniga degmada uu noqdo mid aan la isku halayn karin,isla markaana ay khasab noqotay in qofka masulka ah uu ilaalo gaar ah samaysto.

Nabadoon Yaasiin C/samad  oo ka mid ah nabadoonada gobolka Mudug ee mudahaaraadka ka qayb galay ayaa mar uu warbaahinta la hadlay xalay dowlada ugu baaqay in ay il gaar ah ku eegto wax-ka qabashada dhibaatooyinka degmada ka jira.

Ugu danbayntii madaxda gobolka Mudug ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arimaha lagu eedaynayo ,waxaana jirta in dilal kala duwan oo qorshaysan ay ka dhaceen Gaalkacyo bilowgii sanadkan.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya