Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo macaamiisheeda u sameysay qiime dhimis wicitaanka taleefoonnada

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud (HORTEL) oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa macaamiisheeda ah u sameysay qiime dhimis, iyadoo sheegtay in taasi ay ku timid markii ay aragtay duruufaha adag ee dadka iyo dalkuba ku sugan yihiin.

Shirkadda Hormuud ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay inay go'aansatay inay macaamiisheeda u samayso qiime dhimis ku aaddan adeegga wicitaanka taleefoonnada gacanta ee gudaha “local calls”.

Ogeysiiska qiime dhimista ah oo qodobeysnaa ayaa u dhignaa sidan:

1. Waxay shirkadda Hormuud qiime-dhimis guud oo boqolkiiba konton ah 50%, ay ku sameysay is-wicitaanka teleefonada gudaha ee loo yaqaan local calls-ka taasoo ka dhigan in daqiiqadii ay hadda noqoneyso 5 Sent, shan sent. halkii uu hore uga ahaan jiray 10 sents.

2. Sidoo kale habeen kasta laga bilaabo 10:00 Pm ilaa lixda subaxnimo 06:00 Am qiimaha teleefoonada gudaha waa 35 Sent. Waxaana lagu sameeyay qiime-dhimis dhan 65%, halkii uu hore uga ahaan jiray 10 sents.

3. Qiimaha farriin qoraaleedka (SMS) gudaha ee Mobile to Mobile waa hal sent, 1 Sent oo kaliya.
Hormuud Telecom Waxay ku leedahay macaamiisha qaaliga ah:

4 Ku hadal 0.05 sent halkii daqiiqo oo gudaha ah, laga bilaabo 7:00 Am
subaxnimo illaa 09: 59 Pm fiidnimo.

5- Sidoo kale ku hadal 0.035 sents laga bilaabo 10:00 Pm fiidnimo illaa 6:59 Am subaxnimo.

Sidoo kale waxay Hormuud Telecom dib u eegid qiimo dhimis ah ku samanaysaa qaybaha kale ee aan hadda ogaysiiskan lagu xusin, iyadoo maalmaha soo socda ay shirkaddu soo bandhigi doonto adeegyo kala duwan oo waxtar weyn u leh macaamiisha.

Shirkadda HORTEL ayaa gacan ka geysatay sidii ay u kaalmeyn lahayd shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen, waxaana ay sheegtay inay ku bixisay howlaha samofalka ah ee ay sameysay lacag gaaraysa 500,000 Dollar (Shan boqol oo kun oo Dollar).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya