Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xerada Maslax oo lagu soo bandhigay maydadka laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen dagaal ay AMISOM iyo DKMG ah ku doonayeen inay ku qabsadaan goobaha ay ka taliyaan.
“Ummadan Islaamka (Soomaaliya) oo dalkooda iyo diintoodii lagu soo duulay inay is-difaacaan xaq ayay u leeyihiin, waan diriraynaa… waan is-difaacaynaa… waana guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan duulaanka AMISOM.
Sheekh Xasan oo horay u ahaa hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam oo la midoobay Xarrakatul Shabaab, ayaa sheegay in mujaahidiinta ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weeraro ay DKMG ah iyo AMISOM kusoo qaadeen.
“Dadkaas (ciidamada AMISOM) iyagaa nagu soo duulay… iyagaa nasoo aaday… iyagaa xumaantooda nagu faafinaya, inaan is-difaacdana ma ahan mid lala yaabo, waayo shucuubta caalamka ku nool waa is-difaacdaa, ummadii aan isdifaacinna waa gumowdaa,” ayuu yiri Sheekh Aweys.
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu ku boorriyay inay garab ku siiyaan dagaallada ka socda Muqdisho xoogagga Xarrakatlu Shabaab isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaan qorsheysan oo ka dhan ah Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku baaqo dagaalo ka dhan ah DKMG ah iyo AMISOM tan iyo markii uu ku biiray Xarrakatul Shabaab, balse bishii hore ayay ahayd markii uu sidan oo kale ku baaqay in weerarro mideysan lagu qaado ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay kusoo dalka kusoo duushay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya