Dagaallo xooggan oo maalintii labaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo culus oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana ku dhaawacmay 21-qof oo dhammaantood rayid ah.

Dagaalkan oo daba socday dagaalladii shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa xooggooda waxay ka dhaceen degmada Howlwadaag, iyadoo saraakiisha ciidamada DKMG ah ay sheegeen inay socon doonaan dagaalladan inta ay xoogagga Xarrakatul Shabaab ka saarayaan Muqdisho.

Madfac ku dhacay jidka soddonka gaar ahaan agagaarka isgoyska Black Sea ayaa dilay lix qof isla markaana dhaawacay 10-qof oo kale, kuwaasoo saddex ka mid ah ay xalaadoodu halis ahayd, sida uu HOL u sheegay goobjooge xiligaas ku sugnaa halka uu madfacu ku dhacay.

“Waxaan arkay maydadka lix qof iyo dhaawaca 10-qof oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis ahayd,” ayuu yiri C/naasir Jamaal oo la hadlay HOL, isagoo sheegay in dadku ay isugu jireen kuwo halkaas ku sheekeysanayay iyo kuwo marayay.

Sidoo kale madfac ku dhacay bas dadweyne siday oo marayay suuqa Bakaaraha ayaa dilay saddex qof oo rakaabkii baska ka mid ahaa, wuxuuna  dhaawacay 11-qo oo kale, isagoo burbur u geystay baabuurkii rakaabka waday.

Howlwadeenada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada in ka badan 20-qof, ayna arkeen maydadka shan qof intii ay howsha gurmadka ah ku jireen, kuwaasoo ay kala geeyeen isbitaalada Muqdisho.

Inkastoo dagaalladu ay haatan qaboobeen hadana waxaa weli la maqlayaa daryanka madaafiicda iyo rasaas ka dhacaysa goobaha ay dagaalladu ka dhaceen, iyadoo dhinaca kalena ay socdaan gurmadyo kala gaaraya dhinacyada iska soo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya