Faahfaahin ka soo baxday Dagaal saaka ka bilowday Deegaanka Kalshaale iyo Maygaagle

Axad, 20 February 2011 (HOL)- Dagaal saaka ka bilowday deegaannada Hagoogane iyo Maygaagle oo hore dagaal ugu dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Malleeshiyo-Beeleed, isla markaana laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa keenay khasaare badan, iyaga oo labada dhinac kala sheegtay guulo.
 
Dagaalkan oo socday ilaa 1:00pm duhurnimo ee maanta, ayay ka hadleen dhinacyada ay dagaalku dhex-maray. “Saaka 5:00 subaxnimo ayay Kooxaha nabad-diidka ah ee xidhiidhka la leh Kooxaha argagixisadu ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland. Dagaalkaas khasaare badan ayay Ciidanku u geysteen kooxahaas, gaadiid iyo Maxaabiisna way ka soo qabteen,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Faysal Cali Sheekh oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ah, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, Ïlaa imika waxa na soo gaadhay oo taliska Ciidanka Qaranku noo soo sheegeen in ay maxaabiis ahaan ay u hayaan ilaa 20 qof, hal gaadhi oo Tikniko ah iyo mid Waaraad ahna gacanta lagu dhigay,”
 
Agaasimaha guud mar la waydiiyay waxa dhinaca Ciidamada Somaliland khasaare soo gaadhay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dhawr Askari ayaa dhaawacmay, ma jiro wax dhimasho ah oo soo gaadhay,”waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anaga mar walba waxa naga goán in amniga la ilaaliyo, laakiin dagaalka iyaga ayaa soo qaaday, dagaal baán baa dhacay, Ciidamada Somaliland-na waxay hadda ku sugan yihiin Maygaagle iyo Hagoogane, Buuhoodle ayay dul joogaan.”
 
Dhinaca kale, Cabdirisaaq Bakeyle Xaaji oo u hadlay dhinaca Malleeshiyada, ayaa isna dhiniciisa ka hadlay dagaalka, “Saaka 7:00 subaxnimo ayay Ciidamada Somaliland weerar soo qaadeen, dadka dhinaca reer Buuhoodle iyo Ciidanka Beeshuna way iska caabbiyeen, waxa laysu-adeegsaday, hub kasta oo Baniáadam adeegsado waa laysu adeegsaday, Kaarayaal, Beebee iyo Madaafiicba. Khasaare badan ayaa ka dhashay, waanu ka khasaare badan yahay dagaalladii hore,” ayuu yidhi Cabdirisaaq.
 
Mar la waydiiyay Cabdirisaaq khasaaraha dhimasho iyo dhaawac waxa uu indhihiisa ku arkay iyo inta uu ogyahay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Afar qof oo dhaawac ah ayaa Buuhoodle la geeyay, laakiin way ka badan yihiin. Khasaaraha aan anigu indhahayga ku arkay way badan yihiin labada dhinacba, laakiin way ka badan yihiin khasaaraha dhacay.”
 
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland