Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wadayso dagaallada ay kula jirto Xarrakada Al-Shabaab

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Taliye ku xigeenka ciidammada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa xalay warbaahinta u sheegay inaysan dagaallada ka billowday Muqdisho joogsanayn inta ay dowladdu kala wareegayso gacanta ku haynta degmooyinka ay ka taliso Xarrakatul Shabaab.

"Wax badan ayay dagaalladan ka duwan yihiin kuwii hore - waadna arki doontaan, waxaan doonaynaa inaan soo bandhigno wax markhaati leh, inta Muqdisho laga saarayo Al-shabaab dagaalladan way soconayaa," ayuu yiri Gen. Dhego-badan.

Taliye xigeenku wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya ay ku dhow yihiin jidka wadnaha oo ah mid ay awood badan ku leedahay Xarrakatul Shabaab, ayna horay u socon doonaan.

Hadalka mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo Muqdisho ay maalintii labaad ka socdaan dagaallo ay dowladdu sheegtay inay ku qaaday iyadoo kaashanaysa AMISOM degmooyinka ay ka taliso Xarrakatul Shabaab ee ku yaalla Muqdisho.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isna xalay saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay u soo bandhigi doonaan saxaafadda maydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo ay ku dileen dagaallada ka socda Muqdisho iyo hub ay ka furteen.

Dagaalladan ayaa noqonaya kuwii ugu xoogga badnaa ee Muqdisho ku dhexmara DKMG ah oo kaashanaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab sannadkan, iyadoo laga dareemayo deegaanada ay labada dhinac kaga sugan yihiin Muqdisho gurmadyo soo kala gaaraya iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya