Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta kusoo bandhigay xerada Maslax ee duleedka Muqdisho maydadka laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, sidoo kale waxay soo bandhigeen qalab ciidan oo kala duwan, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo qaateen saldhig ay ka qabsadeen AMISOM.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheehk Cali Dheere) ayaa sheegay in labada askari ay ku dileen dagaaladii shalay ka dhacay degmada Holwadaag, sidoo kalena ay hub u badan dhashiikayaal kasoo furteen dagaalka.
"Waxaan shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed u cadeynaynaa in askartan maydadka ah ay ka mid ahaayeen ciidamadii AMISOM ee aan shalay kula dagaalanay Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo sheegay in ku jabiyeen dagaaladii shalay.
Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in hubka ay kasoo qaateen saldhigyo ay AMISOM ku lahayd Muqdisho kaddib markii ay ka carareen, isagoo sheegay inay tani cadeyn buuxda u tahay jabka dagaalka ka gaaray ciidamada Midowga Afrika.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu shirkiisa jaraa’id fariin ugu digay shacabka Uganda isagoo ku boorriyay inay iska ridaan Yoweri Museveni oo uu sheegay inay markii hore u doorteen in caruutooda lagu laayo dagaalada ka socda Soomaaliya, loona ciyo iyagoo isugu jira maydad iyo dhaawacyo, qaarkoodna ay waayaan halka ay aadeen, wuxuuna si gaar ah ugu booriyay inay iska ridaan si ay askartooda u badbaadiyaan.
Goobta lagu soo bandhigay maydadka askarta AMISOM ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xarkatul Shabaab, sidoo kale Sheekh Cali Dheere wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar-garoobaan ka hortaga weeraro lagu doonayo in lagu burburiyo nabada ka jirta dalka.
Ugu dambeyn, afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in laga doonayo maamullada ka dhisan gobolada ay ka taliyaan, dhalinyarada iyo waayeelka ku nool inay u diyaargaroobaan difaaca deegaannada ay ku nool yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya