Axed, 20, Feb, 2011 (HOL) Waxaa sii adkaaneysa abaarta baxaadda leh ee ku habsatay dadka iyo duunyada ku dhaqan dhulka goballka Hiiraan, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ka fog wabiga Shabeelle, kuwaasoo ay soo food saartay biyo iyo baad la'aan tii ugu darneyd inta la xasuusto.
Waxaa Saddex meelood labo meel meesha ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen reer miyiga ah, inta soo hartayna lama hubo sida ay ku sii noolaan karaan, waxaana xusid mudan in hada reer miigu bilaabeen in ay xoolaha kala baxaan '''Haragga'' oo kaliya maadaama xubnaha kale ee neefka uusan wax qiimo ah ku fadhin.
Haddaba waxaa biyo dhaamis ka wado deegaanno ka tirsan goballka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca Bariga Jaaliyaddo ka tirsan goballka oo ku dhaqan wadamada Igariiska iyo Mareykanka , waxaana howshaas fulinaya waxgarad iyo culima'udiin ka tirsan goballka Hiiraan.
Deegaannada illaa hadda biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Hees, Cali Ganey, Jiijo, Suubo, Dib-ugal, Geeda-samo, Qandho, Darib, Qarfo, Yasooman, Moolacad, Miircado, iyo waliba Tuulooyin kale oo dhamaantood saameyn ku yeelatay Biyo la'aanta.
Waxgaradka iyo culima'udiinka fuliyay howshaas waxaa ay mahad u celiyaan dhamaan dadkii soo dirray dhaqaalaha lagu sameeyay Biyo dhaaminta, iyaga oo ka codsaday Jaaliyaddaha kale ee la midka ah in ay qeyb ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan ee ku dhaqan goballka, waxaana ay intaa ku daray in ay u guteen howshii loo soo xilsaaray si cadaalad ah.
Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan deegaannada laga sameynayo biyo dhaaminta ayaa dhinacooda u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay gurmadka loo fidinayo, waxaana ay sheegeen in ay u baahnaan lahaayeen kaalmo intan ka badan maadaama xadiga abaartu tahay mid gaarsiisan heerkii ugu sareeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya