AMISOM oo qiratay in dagaallada Muqdisho looga dilay askar, iyaguna ay dileen dagaalayahanno shisheeye ah

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xarunta AMISOM ee Muqdisho ayay ku sheegtay in dagaalladii shalay looga dilay laba askari, tiro kalena looga dhaawacay, ayna dhankooda dileen lix dagaalyahan oo shisheeye ah, kuwaasoo ka barbar dagaallamayay xoogagga Xarrakatul Shabaab.

“AMISOM waxay dagaalladii Muqdisho ku wayday laba skari, dhowr kalena waa nalooga dhaawacay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha AMISOM waxay sheegeen in labada askari looga dilay weerarro gaadmo ah oo lagu soo qaaday mid ka mid ah saldhigyadooda, sidoo kalena saldhiggaas laga qaatay hub. Waxayna sidoo kale sheegeen in xoogagga Xarrakatul Shabaab ay isticmaaleen farsamooyin casri ah oo ay ka dhaxleen dagaalyahannada shisheeyaha ah ee ka barbar dagaalama.

Dhanka kale, AMISOM waxay waraxaafadeedkeeda ku sheegtay inay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ku dileen lix dagaalyahan oo u dagaalamayay Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in badankood ay kasoo jeedaan dalalka Aasiya.

Magacyada dagaallmayahanada ay sheegtay AMISOM inay dileen ayaa waxay kala yihiin: Majid Al-Yaxya Abu-Yaman (Xuuti, Yemen), Sahan Cabdow Barqish (lama yaqaan dalka uu kasoo jeedo), C/rabbi Mansuur (Pakistani), Amol Joorkay (Hindi), Saman Bito (Kenyan) iyo Cadbi Magid Asad (Syria).

Dagaallada ay ku dileen dagaalyahanadan ayay sheegeen inay shalay ka dhaceen xaafada Siigaale ee  degmada Hodan iyo xaafada Ceel-Hindi ee degmada Howlwadaag, kuwaasoo 500 mitir koonfur kaga beegan suuqa weyn ee Bakaaraha. Waxayna sidoo kale AMISOM sheegtay in Xarrakatul Shabaab ay dhowr jeer isku dayday inay maydadkaas si xoog ah ku qaadato balse ay u suurogeli wayday.

Xarrakatul Shabaab oo iyaguna maanta soo bandhigay maydadka laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay dagaalada ka socda Muqdisho ayaan ka jawaabin hadalka ku saabsan in dagaaladii shalay looga dilay dagaalyahano shisheeye ah oo u dagaallamayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya