Axad, 20 February 2011 (HOL)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Kabaal) ayaa sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa iyo dad la tuhunsan yahay.
Taliye Kabaal wuxuu sheegay in Ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen sagaal midh oo Miinooyinka waawayn ee lala beegsado Taangiyada. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay Miinooyinkaas ka heleen Guri ku yaala magaalada Hargeysa. Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in ay wadaan baadhis.
Dhinaca kale, Ciidamada amnigu waxay xalay ilaa maanta gacanta ku dhigeen sagaal qof oo la sheegay in lagu tuhmay inay wadeen falal ka dhan ah amniga, kuwaas oo laga kala qabtay meelo kala duwan, isla markaana qaarkood degannaayeen mid ka mid ah Huteellada la seexdo ee magaalada Hargeysa.
Maaha markii u horraysay ee ay Ciidamada amnigu gacanta ku dhigaan waxyaabaha qarxa iyo dad lala xidhiidhayay falal ka dhan ah aminga.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Ciidamada Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa iyo dad la tuhunsan yahay
More News
- Yoweri Museveni oo mar kale ku guuleystay madaxweynenimada wadanka Uganda
- Banaanbax looga soo horjeeday Maamulka madaxwayne Faroole oo Gaalkacyo ka dhacay
- AMISOM oo qiratay in dagaallada Muqdisho looga dilay askar, iyaguna ay dileen dagaalayahanno shisheeye ah
- Sheekh Xasan Daahir oo sheegay inay fashiliyeen weeraro lagu soo qaaday, ayna wadi doonaan dagaallada
- Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay maydad askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay dagaallo ka dhacay Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wadayso dagaallada ay kula jirto Xarrakada Al-Shabaab
- Faahfaahin ka soo baxday Dagaal saaka ka bilowday Deegaanka Kalshaale iyo Maygaagle
- Dagaallo xooggan oo maalintii labaad Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab
- Dhinacyadii ku dagaallamay Kalshaale iyo Hagoogane oo guulo ka kala sheegtay dagaalladii maanta
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo macaamiisheeda u sameysay qiime dhimis wicitaanka taleefoonnada
- Abaarta oo sii adkaaneysa iyo biyo dhaamin laga wado Miyiga goballka Hiiraan (SAWIRRO)