Dhinacyadii ku dagaallamay Kalshaale iyo Hagoogane oo guulo ka kala sheegtay dagaalladii maanta

Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) –Dagaallo  khasaarooyin kala duwan sababay ayaa maanta deegaanada hagoogane iyo Maygaagle ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo  SSC.

Labadii dhinac ee dagaalamay oo siyaabo kala duwan ugu waramay BBC-da ayaa kala sheegtay guulo ku aadan dagaalkii maanta degaanadaasi ka dhacay oo gaystay khasaarooyin kala duwan.

C/risaaq oo ka mid dadka deegaanka Buuhoodle sida uu sheegay ayaa ka gaabsaday in uu ka waramo inta ruux oo dhinacooda looga dilay dagaalladii maanta.

"Ma cadayn karo khasaaraha rasmiga ah maadaama dagaalka uu socdo hada oo aan kula hadlayo,balse dhib badan ayaan gaarsiinay dadkii na soo weeraray"ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da kuna sugnaa deegaanka Hagoogane

Waxaa kaloo uu sheegay in dagaalka lagu soo qaaday dad deegaan ah ,isagoo carabka ku dhuftay  in dagaalkii maanta la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ,isla markaana ciidamada Somaliland ay xasuuqeen dad shacab.

Agaasimaha wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa isna sheegay in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis gaaraysa 20 ruux oo ka tirsan dhinicii ay la dagaalameen.

Sidoo kale Faysal Cali ayaa intaa ku daray in ay jiraan gaadiid ay gacanta ku dhigeen oo kala ah hal tikniko ah iyo gaari nooca waaraadka loo yaqaan ah,isagoo eedayn ballaaran u jeediyay SSC.

Dagaalladii maanta ka dhacay Kalshaale eayaa la aaminsanyahay in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay,iyadoo ay jiraan baaqyo la xiriira hakinta colaadaha Buuhoodle ka jira

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya