
Axad, January 01, 2012(HOL): Boqolaal ruux oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Minneapolis, kuwaasi oo doonayey in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin go’aankii uu qaatay bangigii joojiyey lacagihii uu xawaaladaha Soomaalida u gudbin jiray.
Xilli maanta cimilada Gobolku aysan wanaagsaneyn isla mar ahaantaasina baraf badani da’ayey ayaa dadka isku soo baxay oo intooda badan sitay sawirro muujinaya caruur iyo dad ay macluuli hayso iyo boorar ay ku soo xardheen hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sida loogu baahan yahay lacagaha ay diraan, waxaa ay dowladda Mareyanka ka codsadeen in ay arintaan wax ka qabato, si aysan u istaagin lacagihii ay u diri jireen gudaha Soomaaliya oo dad badan ay noloshooda ku xirneyd.
Sadiiq Warfaa oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada isla mar ahaantaasina ka tirsan dadkii soo abaabulay dibadbaxaan maanta ka dhacay Minnesota, ayaa sheegay in ujeedka dibadbaxoodu uu ahaa sidii dadka laga soo doorto gobolka ay ku nool yihiin ee Minnesota iyo dowladdaba ugu muujin lahaayeen sida ay uga xun yihiin dhacdadaan cunaqabateynta ah iyo dhibka ay keeni karto in laga hor-istaago dhaqaalihii ay u diri jireen qoyskooda ku dhibaataysan Soomaaliya.

“Inaga oo ah dad muwaadiniin ah ujeedka aan u banaan baxayno waxaa ay tahay in aan muujinno oo aan soo bandhigno sida aan uga xun nahay in nalaga hor-istaago dhaqaalihii aan u diri jirnay ehelkeeni Soomaaliya ku sugan oo ay noloshoodu ku xiran tahay lacagta yar ee aan dirno, marka ma joojinayno dibad-baxa waan wadaynaa ilaa nalooga oogalaanayo in aan lacagta dirno,” ayuu yiri Sadiiq Warfaa.
Banaan baxaan ay isugu yimaadeen Soomaalida ku nool Minnesota, ayaa yimid kadib markii maanta uu dhammaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee uu u qabtay xawaaladaha in uu xirayo xisaabadkooda Franklen Bank oo ahaa bangigii ugu weynaa ee muddooyinkiii ugu dambeeyay gudbinayay lacagaha ay xawaaladuhu qabtaan, taasina ay sababtay in ay maanta xirmaan guud ahaan xarumaha xawaaladaha ee gobolka Minnesota.
Dhegeyso Barnaamij gaar ah
oo aan ka soo diyaarinnay
By: Maxamed Faarax Talyaani
Cabdi-raxmaan Macalin Xaashi, oo ah agaasimaha guud ee xawaaladda Hodan Global ee wadanka Mareykanka oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay in xawaaladdiisu guud ahaan ay shalay joojisay qabashada lacagaha, islamar ahaantaasina ay dadkii u imaanayey ku wargaliyeen in aysan wax lacag ah diri karin, dadkuna ay guryahoodi lacagtii kula laabteen.
“Dadka waxaan u sheegnay in anan wax lacag ah ka qabanayn isla mar ahaantaasina aanan diri karin, maxaa yeelay ma aan hayno meel aan marinno. Guud ahaanna waan xirnay xaafiisyadeeni aan ku lahayn Gobolka oo ma shaqeynayaan,” ayuu yiri Cabdi-raxmaan.
Cabdi Xusseen, oo isna ka tirsan xawaalada Qaran Express ayaa sheeegay in maanta uusan furin xaafiiskiisa, sidoo kalana ay xiran yihiin xarumaha xawaaladda uu ka tirsan yahay ay ku lahayd guud ahaan Gobolka Minnesota, islamar ahaantaasina macaamiishiisii uu ku wargaliyey in uu joojiyey adeeggii lacag dirista ahaa ee uu samaynayey.
“Anigu waxaan wakiil uga ahay deegaankaan xawaaladda Qaran, waxaana madaxdaydu ay igu wargaliyeen in anan wax lacag ah ka qaban karin macaamiisha ilaa amar dambe, dadkuna aad ayay taasi uga xumaadeen,” ayuu yiri Cabdi Xusseen.
Inkastoo ay guud ahaan xirmeen xarumaha xawaaladaha ee Minnesota oo uu saameyey go’aanka bangigu qaatay, haddana waxaa saraakiisha xawaaladuhu ay sheegayaan in ay wali shaqeynayaan qaar ka mid ah xaafisyada ay ku leeyihiin gobollada wadanka Mareykanka isla mar ahaantaasina ay adeegsanayaan bangiyo yaryar oo ay horay xawaaladaha qaar xiriir ula lahaayeen.

“Waa shaqeynayaan xafiisyadii kale ee aan ku lahayn gobolada kale ee wadanka, laakiin waxaa hadda guud ahaan xirmay kuwii Minnesota” sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Macalin Xaashi oo madax ka ah Hodan Global.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Diiriye Nur, oo ah wariye ka tirsan HOL haatanna ku sugan Gobolka Arizona ee wadanka Mareykanka oo ka mid ah meelaha ay Soomaalidu dagan tahay ayaa sheegaya in ay maanta shaqeynayaan xawaaladaha qaar ee gobolkaasi, dadkuna ay lacagahooda si caadi ah u dirsanayaan.
“Anagu Arizona ahaan go’aankaasi nama saameyn oo waan ka madax-banaan nahay, annagu waxaan xiriir la leenahay bangi kale oo lacagteena si toos ah noogu gudbinaya,” sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdiqaadir Saxardiid oo ah madaxa Xawaaladda Tawakal xaafiiskeeda Arizona.
Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa la qiyaasaa in ay sanad waliba Soomaaliya dib ugu diraan ilaa 100 milyan oo Doollar, waxaana xawaaladuhu ay ahaayeen dariiqa kaliya ee ay lacagtaasi marin jireen. Dhinaca kale hay’adaha xaquuqda aadanaha ayaa iyaguna ka walaacsan joojinta dhaqaalahaan in ay xaaladda uga sii dari karto, islamar ahaantaasina ay saameyn ku yeelan karto kumanaan qoys oo ay noloshoodu ku tiirsanayd lacagta dibada laga soo diro.
Cabdiraxmaan D. Nur
[email protected]
Phoenix, Arizona
iyo
Maxamed F. Talyaani
Minneapolis Minnesota