Kulan ay isugu yimaadeen Waxgarad iyo Aqoon-yahanno kasoo jeedo Gobolka Gedo oo ka dhacay Mareykanka

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo aqoonyahanno kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa looga hadlay arimo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka nololeed ee ka jira gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Kulanka oo ka dhacay Safari Hool ee magaalada Mineapolis ee dalka Mareynkanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay jaaliyadda qurba joogta beesha Talxe amaareer oo kamid ah beelweynta Sade, waxaana kasoo qeybgalay Aqoonyahanno, Dhalinyaro, Haween iyo Culumaa’udiin ka kala yimid wadamada Mareykanka iyo Yurub, iyadoona ay sidoo kale qadka teleefonka uga qeybqaadanayeen masuuliyiin ku sugan qaaradaha Africa iyo Asia.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Prof. C/rashiid Max’ed Santuur, oo isagu goobta kusoo bandhigay warbixin dheer oo ku saabsan xaaladaha guud ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoona uu soo bandhigay baahida heysata dadka ku dhaqan goboladaasi iyo sida wax loogu qaban karo.

Prof. Santuur ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatada ka jirta gobollada Gedo iyo Jubooyinka, waxyaalaha ugu muhiimsan ee loo baahanyahay in diirada la saaro ayuu sheegay in ay yihiin dhinacyada waxbarashada iyo Cafimaadka.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha qurba joogta Beesha Talxe amaareer ee dalka Mareykanka C/laahi Aaden Xaashi oo isagu kamid ahaa xubnihii kulanka soo agaasimay, waxaana uu siweyn uga hadlay dhibaatooyinka heysta shacabka ku dhaqan gobolka Gedo, oo intooda badan ku xoolo belay abaarihii ku dhuftay dalka, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay duqeymihii dhawaan loo geystay dad barakacayaal ah oo ku jiray xero ku taal deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.

"Waxaan jeclahay in aan halkaan uga tacsiyeeyo anigoo aad uga walaacsan dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay duqeymihii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda KMG iyo Kenya in ay shacabka dhibaatada ka daayaan oo laga fiirsado goobaha la duqeynayo," ayuu yiri gudoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Kulanka ayaa waxa qadka teleefonka uga qeybqaadanayay waxgarad iyo arday wax ka barata qaar katirsan qaaradaha Africa, Europe iyo Asia, kuwaasoo iyaguna laga dhageystay fikirkooda ku aadan mowduucyadii laga hadlayay, sidoo kale haweenka ayaa iyaguna qeyb ka ahaa dadkii goobta ka hadlay.

Gabagabadii Shirka ayaa waxa shahaado sharaf la gudoonsiiyay qaar katirsan qabanqaabiyeyaashii shirka iyo shaqsiyaad waxqabad la taaban karo ka sameeyeen deegaano katirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya