Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay dad si sharci-darro ah u tahriibinaya xayawaanka loo yaqaan Diinka

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Ciidanka Bileyska ee gobolka Hawd ee Somaliland, ayaa qabtay dad doonayey inay si sharci daro ah u iibgeeyaan xayawaanka Diinka looyaqaan ee ku dhaqan Somaliland, kuwaas oo si qarsoodiya u doonayey inay dibadda u dhoofiyaan.

Booliska gobolkan ayaa qabtay gaadhi nooca looyaqaan Surf oo ay ka buuxaan Xayawaanka guurguurta ee Diinka iyo Sanduuq madhan oo ah nooca lagu rido xawaanka Harima cadka, waxaanay xabsiga u taxaabeen gaadhigii iyo laba nin oo watay, isla markaana waxa xoriyadoodii loo soo celiyey Diinkii ay wateen, sida uu noo xaqiijiyey wariye ku sugan magaaladda Baligubadle ee gobolka Hawd Axmed Maxamed.

Sidoo kale, waxa iyana rag ugaadhsato ah oo dhoofinayey diiman farobadan lagu qabtay gobolka Awdal, kuwaas oo lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaaladda Boorama, isla markaana uu kiiskoodu ka socdo magaaladaasi, iyadoo Diimankiina la siidaayey.

Beryahan dambe waxa Soo badanayey dad ugaadhsato ah oo Xayawaanka Diinka ah si sharci daro ah dalal dibada ah ugu tahriibinayey, kuwaas oo meelo kala duwan lagu soo qabtay, xabsigana loo taxaabay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland