Dowladda Kenya oo sheegtay in askari Ciidamadeeda ka mid ah lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada hoose

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa sheegtay in mid ka mid ah ciidamadeeda lagu dilay weerar lagu soo qaaday habeenkii Jimcuhu soo galaysay saldhig ay ciidamadoodu u leeyihiin deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada hoose oo hoostaga deegaanka Bilis-Qooqaani.

Afhayeenka ciidamada Kenya, Major Emmanuel Chirchir oo saxaafadda kula hadlay Nairobi ayaa xaqiijiyay in weerarkii lagu soo qaaday saldhigyadooda looga dilay hal askari, afar kalena looga dhaawacay, kuwaasoo uu sheegay in la daweynayo.

"Habeenkii Jimcuhu soo galay gallinkii dambe waxaa lasoo weeraray saldhig aan ku leenahay deegaanka Taabto, waxaana dagaalkaas lagu dilay shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab tiro kalena waa laga dhaawacay," ayuu yiri Maj. Chirchir.

Dagaalkan ayaa sidoo kale guulo ka sheegatay Xarakada Al-shabaab iyadoo sheegtay inay ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayna muddo kooban la wareegeen saldhiggii ay weerareen.

"Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa askari ka tirsan ciidamadeenna soo gaaray dhaawac halis ah, kaasoo uu markii dambe u dhintay. Afarta kale ee dhaawucu gaarayna daweyn ayay heleen," ayuu afhayeenka ciidamada Kenya raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuusan jirin qarax ay Al-shabaab la beegsadeen gaari ay leeyihiin oo kuwa ciidamada ah, isagoo intaas raaciyay inay faahfaahin intaan ka badan bixin doonaan maanta oo Sabti ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya